Tehran (Caasimada Online) — Iiraan ayaa si weyn u kordhisay cadaadiska ay ku hayso dhowr dal oo ka tirsan Gacanka Khaliijka, kadib markii ay duqeymo aargoosi ah la beegsatay kaabayaashooda tamarta. Tallaabadan oo jawaab u ahayd weerar ay Israa’iil ku qaadday xarunta gaaska ee South Pars ee dalka Iiraan, ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo in dagaalka haatan socda uu gobolka oo dhan u horseedo weji cusub oo ah gacan-ka-hadal iyo burbur baahsan.
Xaaladahan cusub ee halista ah ayaa muujiyay in Iiraan ay aroornimadii hore ee Khamiista duqaysay xarunta weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee Ras Laffan ee dalka Qatar.
Weerarkan ayaa qayb ka ahaa olole ballaaran oo sidoo kale lagu beegsaday kaabayaasha tamarta ee Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, arrintaas oo walaac weyn ka abuurtay badqabka saadka tamarta ee adduunka.
Duqeymahan oo dhacaya xilli uu socdo dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii bishii Febraayo ku qaadeen Iiraan, ayaa yimid waxyar uun kadib markii Israa’iil ay dishay Wasiirkii Sirdoonka Iiraan, Ismaaciil Khadiib, isla markaana ay Arbacadii duqaysay xarunta LNG ee South Pars ee Iiraan, taasi oo ka caraysiisay Tehran.
Iyadoo Iiraan ay weeraro ku qaadayso dalalka deriska la ah ee Khaliijka — kuwaas oo ay si joogto ah u bartilmaameedsanaysay tan iyo markii uu dagaalku bilowday, iyadoo sabab uga dhigaysa joogitaanka ciidamada iyo saldhigyada Mareykanka ee ciiddooda — ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna kor u qaaday hanjabaaddiisa.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku hanjabay inuu “gabi ahaanba burburin doono” xarunta South Pars haddii Iiraan ay sii waddo beegsiga dalka Qatar.
“Ma doonayo inaan oggolaado heerkan rabshadaha iyo burburka ah sababo la xiriira saameynta fog ee ay ku yeelan doonto mustaqbalka Iiraan, balse haddii mar kale la weeraro xarunta LNG ee Qatar, kama waaban doono inaan sidaas sameeyo,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Isla mar ahaantaana, Trump ayaa isku dayay inuu dalkiisa ka fogeeyo weerarkii Israa’iil ku qaadday South Pars, isagoo xulafadiisa ugu dhow ee Bariga Dhexe ku sifeeyay inay “si xooggan u weerareen” xaruntaas, wuxuuna ballanqaaday in arrintaasi aysan mar kale dhici doonin haddii Tehran ay ka joogsato weerarada Qatar.
Trump ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanku uusan “wax shaqo ah ku lahayn” duqeynta lagu beegsaday xarumaha gaaska ee ka baxsan xeebaha gobolka Bushehr ee Iiraan.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabaas Araqchi, ayaa qoraal uu Khamiistii soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada kaga digay in xukuumadda Tehran aysan muujin doonin “habayaraatee wax is-xakameyn ah” haddii kaabayaashooda mar kale la beegsado, xilli ay sii kordhayaan cawaaqib-xumada ka dhalatay weerarkii Israa’iil.
“Jawaabta aan ka bixinay weerarkii Israa’iil ee kaabayaashayada waxaan u adeegsanay QAYB YAR oo ka mid ah awooddeena. Sababta KALIYA ee aan isku xakameynay waxay ahayd inaan ixtiraamno codsiyadii ahaa in xiisadda la qaboojiyo,” ayuu Araqchi ku soo qoray barta X.
Wasiirka ayaa horay khadka taleefanka ugula xiriiray dhiggiisa dalalka Turkiga, Masar iyo Pakistan, isagoo kala hadlay weerarada milateri ee Mareykanka iyo Israa’iil, saameyntooda gobolka, iyo baahida loo qabo in dalalka gobolku ay yeeshaan feejignaan iyo isku-duwid wadajir ah.
Dowladda Qatar, oo ah dalka labaad ee ugu dhoofinta badan gaaska LNG ee caalamka, ayaa Khamiistii sheegtay in weerar gantaallada ballistic-ga ah oo Iiraan ay ku qaadday xarunta Ras Laffan uu sababay saddex dab iyo burbur baaxad leh. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii dambe xaqiijisay in dabka la xakameeyay, wax khasaare nafeed ahna aan la soo werin.
Tallaabo diblomaasiyadeed oo degdeg ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa u aqoonsatay uqeybsaneyaasha amniga iyo milateriga Iiraan inay yihiin “shakhsiyaad aan dalka laga rabin” (persona non grata), iyadoo u qabatay 24 saac inay dalka uga baxaan. Qatar ayaa weerarka ku tilmaantay “khatar toos ah” oo ku wajahan amnigeeda qaranka, waxayna Iiraan ku eedaysay inay qaadatay “waddo mas’uuliyad-darro ah.”
Isla xaaladdaas oo kale, mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay la tacaalayeen shilal ka dhacay xarumaha gaaska ee Habshan iyo ceelka shidaalka ee Bab, kuwaas oo ka dhashay haraadiga gantaallo la dhexda lagu bur-buriyay. Xafiiska Warbaahinta Abu Dhabi ayaa xaqiijiyay in xarumahaas la xiray, wax dhaawac ahna aan la diiwaangelin.
Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna sheegtay inay dhexda ku qabatay oo ay burburisay afar gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo Arbacadii lagu soo riday caasimadda Riyadh, iyo isku-day weerar drone ah oo lala beegsanayay xarun gaas oo ku taalla bariga dalkaas. Khamiistii, Iiraan ayaa mar kale bartilmaameedsatay caasimadda Riyadh, waxaana sidoo kale la soo weriyay weeraro lagu qaaday dalalka Kuweyt iyo Baxrayn.
Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee hoos yimaada Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku hanjabay in jawaabta Iiraan aysan “weli dhammaan”.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee ISNA, wuxuu yiri: “Waxaan uga dhiigaynaa cadowga inuu galay khalad weyn isagoo weeraray kaabayaasha tamarta ee Iiraan… Haddii ay mar kale soo noqoto, weerarada xiga ee lagu qaadayo kaabayaashiinna iyo kuwa xulafadiinna ma istaagi doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo.”
Khaliijku ma aargoosan doonaa?
Su’aasha haatan maskaxda lagu hayo ayaa ah in waddamada Khaliijku ay qaadi doonaan weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo furi doonta weji cusub oo khatar ah oo ka mid ah dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faysal bin Farxaan Al Sacuud, oo Arbacadii ka qaybgalayay shir ay wasiirada arrimaha dibadda ee 12 dal oo Muslim ah ku yeesheen Riyadh, ayaa yiri: “Waxaan xaq u leenahay inaan qaadno tallaabooyin milateri haddii loo baahdo,” isagoo Iiraan uga digay in cadaadiskaasi uu keeni karo “cawaaqib-xumo dhanka siyaasadda iyo akhlaaqda ah.”
Khamiistii, wuxuu mar kale ka digay in dulqaadka loo hayo weerarada Iiraan uu yahay mid xaddidan, wuxuuna ugu baaqay Tehran inay si degdeg ah “dib ugu xisaabtanto” istaraatiijiyaddeeda.
Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Xafiiska Amiirka ayaa markii dambe sheegay in labada hoggaamiye ay weerarka Iiraan u arkeen “xiisad abuur halis ah oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, wiiqaysana amniga saadka tamarta adduunka.”
Sida uu tebiyay wariyaha Al Jazeera Zein Basravi oo ku sugan Dubai, weerarada Iiraan ayaa “burburiyay rajo kasta oo diblomaasiyadeed” oo u dhexaysay dalalka deriska ah ee Khaliijka.
“Xukuumadda Qatar waxay marar badan sheegtay in si kasta oo ay xaaladdu noqoto ay sii wadi doonaan riixida fikradda diblomaasiyadda iyo wada-hadalka,” ayuu yiri Basravi. “Laakiin arrintani dhab ahaantii waa mid tijaabinaysa adkeysigooda.”
Khabiirka cilmiga siyaasadda Mehran Kamrava oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown ee Qatar, ayaa aaminsan in dalalka Khaliijku ay ku jiraan xaalad diblomaasiyadeed oo aad u adag.
Wuxuu xusay in hal dhinac ay ka jirto rabitaan xooggan oo ah in laga jawaabo gardarrada Iiraan, balse dhinaca kale ay dalalkani si dhab ah u ogyihiin in haddii ay dagaal la galaan Iiraan, aysan jirin cid dammaanad qaadaysa in Donald Trump uusan berrito meesha ka bixin isagoo ku dhawaaqaya guul Mareykan ah, taas oo waddamadan ku cidlayn doonta inay kaligood la dagaallamaan dal deris la ah.
Xilli dowladda Israa’iil aysan dhabarka u rigan duqeyntii South Pars, Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa ballanqaaday “layaab” horleh, xilli dalkiisu uu doonayo inuu “goyn” ku sameeyo hoggaanka sare ee xukuumadda Iiraan.
Ugu dambeyn, Xarunta Hawlgalada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa Khamiistii werisay in markab uu ku dhacay “madfac aan la garanayn,” kaas oo marayay masaafo dhan 4 mayl-badeed (qiyaastii 7 kilomitir) bariga magaalada Ras Laffan ee dalka Qadar.

