Dublin (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla dalka Ireland ayaa Arbacadii dhegeysatay kiis la xiriira eedeysane Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Ukraine, xilli laamaha ammaanku ay weli la tacaalayaan xaqiijinta da’da rasmiga ah ee eedeysanaha.
Dhacdadan ayaa si weyn dib ugu soo noolaysay doodda ku aaddan qaabka dowladda Ireland ay ula tacaasho carruurta qaxootiga ah ee waddankaas kaligood taga iyagoo aan waalidkood la socon.
Vadym Davydenko, oo 17 jir ahaa, ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka dhashay toorey lagu dhuftay abbaare 11:00-kii barqannimo ee 15-kii Oktoobar 2025. Dilkan ayaa ka dhacay xarun daryeel oo 24-saac shaqeysa oo ku taalla deegaanka Donaghmede ee waqooyiga caasimadda Dublin, halkaas oo la dejiyay wiilkan oo dhowaan uun ka soo qaxay magaalada Kyiv ee dalka Ukraine.
Magaca eedeysanaha ayaan warbaahinta loo soo bandhigin, maadaama gal dacwadeedkiisa lagu saleeyay inuu yahay ilmo aan weli qaan-gaarin oo sharciga carruurta lala tiigsanayo.
Eedeysanaha ayaa khadka fogaan-aragga (Video link) kaga soo muuqday Maxkamadda Dhexe ee Dambiyada (Central Criminal Court). Garsoore Paul McDermott, oo kiiskan gacanta ku haya, ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay in Hay’adda Daryeelka Carruurta iyo Qoyska ee Ireland, oo loo yaqaano Tusla, ay weli waddo baaritaanno ay ku xaqiijinayso in eedeysanuhu uu yahay qaan-gaar iyo in kale.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in dib loo dhigo dhegeysiga dacwaddan ilaa taariikh dambe oo isla bishan ah.
Su’aasha ku gedaaman da’da eedeysanaha ayaa ahayd udub-dhexaadka kiiskan bilihii la soo dhaafay. Markii dacwaddiisa markii ugu horreysay la horkeenay Maxkamadda Carruurta bishii Diseembar ee sanadkii hore, eedeysanaha ayaa ku andacooday in waraaqaha muujinaya taariikhda uu dhashay ay yihiin kuwo been abuur ah.
Wuxuu maxkamadda u sheegay in dalkiisu uu “burburay,” isagoo raaciyay in “qof kasta uu sameysan karo dokumiinti sheegaya inuu 17 jir yahay.”
Si kastaba ha ahaatee, fadhi dambe oo maxkamadda ay yeelatay bishii la soo dhaafay, ayuu eedeysanuhu beddelay hadalkiisii, isagoo qaatay mowqif ka duwan kii hore, wuxuuna yiri: “Da’daydu waa 17 jir, maxay boolisku intaas dhaafsiisan iga rabaan?” Maxkamadda ayaa durba kiiskiisa u gudbisay Maxkamadda Dhexe ee Dambiyada si loogu qaado maxkamadayn buuxda.
Kiiskan ayaa banaanka soo dhigay caqabadaha waaweyn ee ka jira nidaamka xaqiijinta da’da ee dalka Ireland, gaar ahaan marka ay timaado carruurta soo-galootiga ah ee dalkaas soo gaara iyagoo kali ah.
Sida uu dhigayo habraaca haatan shaqeeya, hay’adda Tusla waxaa ku waajib ah inay qof kasta oo isku diiwaangeliya inuu yahay ilmo aan qaan-gaarin ay ula dhaqanto sidii ilmo, ilaa iyo inta mas’uuliyiintu ay si rasmi ah uga xaqiijinayaan da’diisa, xitaa haddii shaki weyni uu ku jiro.
Nidaamkan ayaa wajaha culeys xooggan sanadihii u dambeeyay, maadaama ay si aad ah u kordheen tirada carruurta kaligood socotada ah ee loo gudbiyo kooxaha u qaabilsan hay’addan, taas oo culeys horleh saartay xarumaha hoyga iyo nidaamyada qiimeynta dalkaas.
Geerida Vadym ayaa argagax ku riday shacabka Ireland, gaar ahaan maadaama uu ahaa dhibbane dhowaan uun ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Ukraine kahor inta uusan soo gaarin waddankaas.
Dilkiisa ayaa abuuray dood horleh oo ku saabsan in nidaamyada dowladda ee lagu ilaaliyo carruurta jilicsan ee ka soo cararaya colaadaha iyo jidadka tahriibka ay yihiin kuwo la jaanqaadi kara baahida sii kordheysa.
Ilaa iyo haatan, su’aashii sharciga ahayd ee ugu weyneyd ee kiiskan ayaa weli taagan: in eedeysanaha loo sii aqoonsado inuu yahay ilmo yar xilli uu wajahayo maxkamadayn culus oo la xiriirta dilka wiilka 17 jirka ahaa.

