Tel Aviv (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa bilowday olole ay ku xirxireyso magangalyo-doonka u dhashay dalka Itoobiya, iyadoo qorsheyneysa in bisha soo socota ay dalkeeda si qasab ah uga masaafuriso kumanaan qof oo haatan xabsiyada lagu gurayo, sida ay ilo wareedyo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah u xaqiijiyeen warbaahinta Middle East Eye.
Laga billaabo 17-ka bisha Abriil, Hay’adda Dadweynaha iyo Socdaalka ee Israa’iil ayaa dhaqangelin doonta go’aan ay xukuumaddu gaartay bishii Janaayo ee 2024, kaas oo dhigaya in la tarxiilo dhammaan magangalyo-doonka Itoobiyaanka ah ee aan haysan diinta Yuhuudda.
Tallaabadan ayaa dardar horleh yeelatay kadib markii Maxkamadda Sare ee Israa’iil ay taageertay mowqifka dowladda, iyadoo meesha ka saartay dacwado ay gudbiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo markii hore hakiyay qorshahan.
Gilad Palombo, oo ah agaasimaha ololaha ee hay’adda Assaf oo u dooda qaxootiga ku sugan Israa’iil, ayaa sheegay in tirada dadka Itoobiyaanka ah ee lala damacsan yahay tarxiilka ay gaarayaan ilaa 8,000 oo qof, kuwaas oo ku dhawaad 1,000 ka mid ah ay ka soo jeedaan gobolka waqooyi ee colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray.
Hay’adda Socdaalka, oo ah waax hoos timaada wasaaradda arrimaha gudaha oo nidaamisa deganaanshaha ajaanibta, ayaa durba bilowday xarigga dadkan, kuwaas oo ay Israa’iil sharcigeeda ugu yeerto “dhuumaaleystayaal” ama shakhsiyaad si sharci-darro ah dalka ku soo galay.
Palombo ayaa xusay in ilaa iyo inta aan dadkan la siin aqoonsi badbaado oo wadajir ah, aan loo oggolayn inay shaqeystaan, dhowr darsin oo ka mid ahna xabsiga loo taxaabay in kasta oo qaarkood dib xorriyaddooda u helay, ujeeddaduna ay tahay in dalka laga saaro sida ugu dhaqsiyaha badan.
Khataraha ka jira Itoobiya
Dib u celinta dadkan ayaa imaneysa xilli Itoobiya ay ka jirto xasarad bani’aadannimo iyo barakac baahsan. Dagaalkii ka dillaacay gobolka Tigray sanadkii 2020 ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo kooxda TPLF, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 100,000 oo qof, ayaa in kasta oo si rasmi ah loo soo afjaray heshiis nabadeed sanadkii 2022, haddana waxaa weli jira isku-dhacyo goos-goos ah iyo cabsi laga qabo in dagaal sokeeye uu dib u qarxo.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa bartamihii 2025-ka ay gudaha Itoobiya ku barakaceen ugu yaraan 3.3 milyan oo qof, iyadoo gobollada Amxaarada, Oromada, Benishangul-Gumuz, iyo Tigray ay ka taagan yihiin xasillooni darro lixaad leh.
Bazi Gete, oo ah qoraa iyo filim-sameeye heysta dhalashada Itoobiya iyo Israa’iil, ayaa tilmaamay in inkastoo xabbad-joojin laga gaaray Tigray, gobolkaasi uu weli yahay mid go’doon ka ah qaybaha kale ee dalka.
Wuxuu ka digay in tarxiilku uu 8,000 ee magangalyo-doonka ah gelin doono khatar nafeed oo dhab ah, maadaama ay ku laabanayaan dhul u eg mid aan cidna maamulin, ayna la kulmi karaan ciqaab ama xarig, gaar ahaan haddii loo arko inay yihiin mucaarad ka soo horjeeda nidaamka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markii uu xilka qabtay la yimid isbeddello, kuna guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii 2019 kadib markii uu xalliyay khilaafkii xudduudda ee Ereteriya, ayaa markii dambe waddanka geliyay dagaal sokeeye. Tan iyo xilligaas, waxaa isa soo tarayay cadaadiska gudaha, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyo ololeyaal faaf-reeb oo ballaaran.
Sidoo kale, xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligan si weyn ugu janjeerta dhanka isbahaysiga Imaaraadka Carabta, iyadoo la rumeysan yahay in dalkeeda loo sii mariyo saadka Imaaraadku siiyo ciidamada RSF ee dalka Suudaan.
Waxaa intaas dheer in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay si dhab ah uga fiirsanayso duullaan ay ku qaaddo Ereteriya si ay ula wareegto dekedda Badda Cas ee Casab, taas oo abuureysa dhiillo horleh oo gobolka ah.
Palombo ayaa ku raacay khataraha dhabta ah ee sugaya qaxootiga, isagoo carabka ku adkeeyay in gobolka Tigray uu si gaar ah khatar ugu yahay haweenka iyo carruurta dib loo celinayo, kuwaas oo wajihi doona macaluul iyo in la beegsado.
Siyaasadda tarxiilka ee Israel
Sida ay xaqiijisay hay’adda Assaf, Israa’iil waxaa ku nool ilaa 72,000 oo magangalyo-doon ah, kuwaas oo 50,000 oo ka mid ah ay haystaan maqaam “koox la badbaadiyay” oo sharciga waafaqsan, ayna u badan yihiin dad ka soo jeeda Ereteriya, Suudaan, iyo Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, 8,000 ee Itoobiyaanka ah iyo 14,000 oo qaxooti kale ah ayaan haysan aqoonsigaas, waxaana dowladda Israa’iil ay u aragtaa dad si sharci-darro ah ciiddeeda ku jooga.
Dhammaan qaxootiga iyo magangalyo-doonka, haddii ay sharci haystaan iyo haddii kaleba, ayaa wajahaya xannibaado adag oo dhanka sharciga iyo dhaqaalaha ah. Waxaa laga reebay inta badan adeegyada daryeelka bulshada, daryeelka caafimaadka dadweynaha, iyo shabakad kasta oo aasaasi ah oo lagu sugo nolosha bulshada. Ugu yaraan boqolkiiba 57% dadkan ayaa ku nool saboolnimo xun, halka boqolkiiba 85% ay wajahaan cunto yari baahsan.
Palombo ayaa ku doodaya in siyaasadda wasiirada arrimaha gudaha ee Israa’iil 20-kii sano ee la soo dhaafay ay ahayd sidii nolosha Israa’iil looga dhigi lahaa mid aan loo dulqaadan karin, si qaxootiga, oo markii ugu horreysay halkaas ka tagay Afrika sanadkii 2006, loogu qasbo inay si mutadawacnimo ah dalka isaga baxaan.
Dowladda Israa’iil ayaa horey, intii u dhexaysay 2013 ilaa 2018, heshiis lala gashay dalka Rwanda kaas oo ay ugu tarxiilaysay qaxootiga u dhashay Suudaan iyo Ereteriya, iyadoo sanadkii 2017 la weriyay in Israa’iil ay bixinaysay lacag dhan $5,000 qof kasta oo la aqbalo.
Palombo ayaa caddeeyay in hadafka dowladda uu yahay in aysan dalkaas ku harin wax qaxooti ah, dowladuna ay maalgashi weyn ku bixinayso sidii ay u tarxiili lahayd qof kasta oo ay awooddo. Labadii sano ee la soo dhaafay, baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa ansixiyay laba sharci oo si toos ah u beegsanaya magangalyo-doonka.
Gete ayaa gabagabadii xusay in qaxootiga iyo shaqaalaha ka soo jeeda qaaradda Afrika aan laga oggolayn Israa’iil, iyadoo mashiinka dacaayadda ee dalkaas uu u sawiro inay yihiin isha dhibaatooyinka oo dhan, taasina ay meesha ka saartay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd ee ahayd inay dalkaas ku noolaadaan si sharaf iyo karaamo leh.

