Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ku wargeliyay Israa’iil inaysan dib u soo celin weeraradii ay ku qaadday kaabayaasha gaaska dabiiciga ah ee Iiraan, kadib markii duqeymo aargoosi ah oo is-daba joog ah oo lala beegsaday xarumaha tamarta gobolka ay cirka u direen qiimaha shidaalka.
Hadalka Trump ayaa imanaya xilli qiimaha tamartu uu si ba’an sare ugu kacay Khamiistii, kadib markii Iiraan oo ka jawaabaysa weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun weyn oo gaaska laga soo saaro, ay duqaysay Magaalada Warshadaha ee Ras Laffan ee dalka Qadar.
Xaruntan ayaa sifeysa ku dhawaad shan-meelood meel gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka, waxaana gaaray burbur lixaad leh oo qaadan doona sanado in dib loo dayactiro.
Sidoo kale, waxaa weerar lala beegsaday dekedda weyn ee Sacuudi Carabiya ay ku leedahay Badda Cas, halkaas oo ay xukuumadda Riyadh u weecisay qayb ka mid ah dhoofinteeda shidaalka si ay uga badbaaddo xannibaadda ay Iiraan saartay Marinka Hormuz oo ah barta looga baxo Gacanka Khaliijka.
Duqeymahan ayaa hoosta ka xariiqaya awoodda Iiraan ay weli u leedahay inay qiimo culus ka qaaddo ololaha Mareykanka iyo Israa’iil, waxayna bannaanka soo dhigeen xaddidnaanta nidaamyada difaaca hawada ee ilaalinta hantida tamarta ugu qaalisan uguna istaraatiijisan ee dalalka Khaliijka.
Madaxweyne Trump, oo culeys siyaasadeed iyo mid doorasho kala kulmaya sicir-bararka shidaalka ee saameynaya taageerayaashiisa asaasiga ah, ayaa si kulul u dhaliilay xulafadiisa oo si taxaddar iyo caga-jiid leh uga falceliyay dalabaadkiisa ahaa inay gacan ka geystaan sugidda amniga Marinka Hormuz, kaas oo ay marto boqolkiiba 20% shidaalka adduunka.
Balse wuxuu xaqiijiyay inuu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuusan ku celin weerarada xarumaha tamarta.
“Waxaan ku iri, ‘Ha sameynin taas’, mana sameyn doono,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan, Sanae Takaichi.
Inkastoo sarkaal Mareykan ah iyo saddex xubnood oo xog-ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in Trump uu ka fiirsanayo inuu kumanaan ciidamo dheeraad ah u daadgureeyo Bariga Dhexe, haddana kulankii uu la yeeshay Takaichi wuxuu ku adkeystay inuusan qorsheynaynin inuu ciidamo dhulka ah daadgureeyo. “Ciidamo meelna geyn maayo,” ayuu si cad u yiri madaxweynuhu.
Iyadoo uusan muuqan dhammaadka dagaalka oo haatan galay toddobaadkii saddexaad, isla markaana ay sii kordhayso cabsida laga qabo ‘naxdin shidaal’ oo caalami ah, dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Nederlands iyo Japan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaallada ku habboon ee lagu xaqiijinayo in si nabad ah loogu kala goosho Marinka Hormuz.
Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xasillinayo suuqyada tamarta, oo ay ku jirto in dalalka wax soo saara lagala shaqeeyo sidii loo kordhin lahaa dhoofinta shidaalka.
Bayaanka ayaan bixin wax faahfaahin ah oo muujinaya tallaabo degdeg ah.
Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku celiyay in gacan kasta oo laga geysto sugidda marinka ay imaan doonto oo keliya marka si buuxda loo joojiyo colaadda. Ka-cagajiidka xulafada Yurub ayaa ka turjumaya shaki weyn oo ay ka qabaan dagaalkan, kaas oo madaxda Yurub ay ku tilmaameen mid leh ujeeddooyin aan caddeyn, aysan iyagu doonin, awood badanna aysan ku lahayn maamulkiisa.
Gaar ahaan, duqeyntii Israa’iil ee xarunta gaaska South Pars ee Iiraan—taas oo Trump uu sheegay in Washington aysan ka warqabin—ayaa muujisay inuu jiro kala-qob-qob dhanka isku-duwidda istaraatiijiyadda iyo yoolalka dagaalka ee u dhexeeya labada xulafo. Si jahawareerka loo sii kordhiyo, saddex sarkaal oo Israa’iiliyiin ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagala tashaday Mareykanka, balse aan la filaynin in dib loogu celiyo.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa horay u sheegay in yoolalka Washington ee dagaalkan ay yihiin kuwo “aan isbeddelin, bartilmaameedkoodana saaran.”
Balse Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Tulsi Gabbard, ayaa guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada u xaqiijisay in yoolalka Washington iyo Tel Aviv ay kala duwan yihiin.
Waxay xustay in dowladda Israa’iil ay diiradda saarayso curyaaminta hoggaanka Iiraan, halka madaxweyne Trump uu doonayo inuu burburiyo awoodda Iiraan ee rididda iyo soo-saaridda gantaallada, iyo waliba awoodda ciidamadooda badda.
Afhayeen u hadlay milateriga Iiraan, Ebrahim Zolfaqari, ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee dalkiisa ay horseedeen weji cusub oo dagaalka ah, isagoo ku hanjabay: “Haddii la soo celiyo duqeymaha ka dhanka ah xarumaha tamartayada, weerarada aan ku hayno kaabayaashiinna tamarta iyo kuwa xulafadiinna ma istaagi doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo.”
Madaxa shirkadda QatarEnergy ayaa xaqiijiyay in weerarada Iiraan ay meesha ka saareen lix-meelood meel awooddii dhoofinta LNG ee Qatar, taas oo u dhiganta dakhli dhan $20 bilyan sanadkii, wuxuuna xusay in dayactirku uu qaadan doono saddex ilaa shan sano.
Tan iyo Arbacadii, weerarada Iiraan waxay sidoo kale ku qasbeen Imaaraadka inuu xiro xaruntiisa gaaska ee Habshan, waxayna dab qabadsiiyeen laba warshadood oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku yaalla dalka Kuweyt. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa werisay in duqeyn Iiraan ay beegsatay xarumaha shidaalka ee dekedda Haifa, inkastoo uusan dhalin khasaare nafeed.
Burburka dhaqaale ayaa si degdeg ah looga dareemay suuqyada caalamka. Qiimaha saliidda ceyriin ee Brent ayaa kor u kacay ku dhawaad 3% isagoo gaaray $110.35, kadib markii uu horay u kacay 10% kahor inta aan la soo saarin bayaanka wadajirka ah ee xulafada. Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa isna kacay in ka badan 15%, isagoo guud ahaan sare u kacay in ka badan 60% tan iyo markii dagaalku bilowday.
Suuqyada saamiyada ee Japn iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 3%, halka suuqa Yurub iyo Wall Street ee Mareykanka ay iyaguna wajaheen hoos-u-dhac ballaaran.
Cabsi laga qabo in sicir-bararku uu waaro ayaa ku dhiirrigelisay Bankiga Dhexe ee Yurub (ECB) iyo Bankiga Ingiriiska inay deynta sidiisa ku hayaan, iyadoo maalgashadayaashii horay u rajeynayay in dulsaarka la dhimayo ay hadda filayaan in la kordhiyo dhamaadka sanadka. ECB ayaa haatan saadaalinaya in sicir-bararka sanadka 2026 uu gaari doono 2.6%, taas oo ka sarreysa 1.9% ee la saadaaliyay bishii Diseembar.
Shir madaxeed ka dhacay magaalada Brussels, madaxda Midowga Yurub ayaa gudo-galay raadinta siyaabo ay ku yareeyaan culeyska qiimaha tamarta ee saaran warshadaha iyo macaamiisha, kuwaas oo markii horeba la daalaa-dhacayay nolosha sii qaaliyoobaysa.

