Gandarshe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa amar cusub ah faray hay’adaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyntii hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.
Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka, ayna si dhaqso ah u hawl-geliyaan kaabayaasha muhiimka ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka, isla markaana ay ilaaliyaan amniga iyo wadajirka bulshada, si loo xaqiijiyo nolol wanaagsan oo waarta.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii bishii Ramadaan.
“Waa inaynu sii joogteyno garab istaaga halyeeyada difaacaya qaranka, kaalmada iyo u gargaarka dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
























