Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Dagaalka ee dalka Mareykanka (Pentagon) ayaa diyaarisay qorsheyaal faahfaahsan oo salka ku haya in ciidamo lugta ah loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah dalka Iiraan, sida ay Jimcihii baahisay warbaahinta CBS News oo soo xiganaysa saraakiil magacooda qariyay.
Qorshayaashan ayaa madaxweynaha hor-dhigaya xulashooyin dhowr ah oo lagu wajaho xaaladaha la xiriira haddii la qabto ama la xiro dad Iiraaniyiin ah, iyo waliba qaabka loola tacaalayo ciidamada u tababaran habka milateriga (paramilitary forces).
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa u sheegtay CBS in ay tahay nidaam iska caadi ah in Pentagon-ku uu xaqiijiyo in Madaxweyne Donald Trump uu miiska u saaran yahay qorsheyaal kala duwan oo uu kala dooran karo, balse taasi “aysan ka dhignayn in madaxweynuhu uu qaatay go’aan” uu askar ugu daadgureynayo meelna.
Ilaa iyo haatan, wadar ahaan afar markab oo nooca dagaalka ah iyo in ka badan 4,000 oo ka tirsan ciidamada badda ee loo yaqaano Marines-ka Mareykanka ayaa lagu amray inay u ruqaansadaan Bariga Dhexe, iyadoo guutadii ugu horreysay ee ka imaanaysa gobolka Baasifigga (Pacific) la filayo inay halkaas gaaraan qiyaastii toddobaad gudahiis.
Dhaq-dhaqaaqyada maamulka Washington ayaa bixinaya saan-saan muujinaysa in dagaalkani uu noqon doono mid daba-dheeraada, in kasta oo madaxweynuhu uu isku dayayay inuu soo saaro baaqyo ugu yaraan si kumeel-gaar ah loogu dajinayo suuqyada caalamka ee sargo’an.
“Ciidamo meelna geyn maayo. Haddii aan dirayo, hubaal idiinma sheegeen, laakiin ciidamo ma dirayo,” ayuu madaxweynaha yiri maalintii Khamiista. Wuxuu intaas ku daray, “Wuxuu ku dhammaan doonaa si dhaqsi ah,” isagoo dagaalka Iiraan ku sifeeyay inuu yahay “tamashle” ama hawlgal kooban oo uu Mareykanku fulinayo.
Madaxweyne Trump oo ku adkeysanaya mowqifkiisa ayaa yiri: “Waan arkayay waxa ka dhacaya Iiraan, waxaana is-iri, waan necbahay inaan sameeyo tamashlahan, laakiin waa inaan sameynaa. Runtii waxaan u malaynayay in nambarada qiimaha shidaalku ay kasii dari doonaan. Waxaan u malaynayay inuu kor u kici doono in ka badan inta uu kacay, laakiin waxaan wadnaa hawlgalkan kooban, markii la soo gabagabeeyana, waxaan heli doonnaa adduun aad uga ammaan badan.”
Wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu gabi ahaanba arrintaas ku raacsan yahay.
Dhanka kale, ra’yi-aruurin ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha Reuters iyo Ipsos oo la baahiyay Khamiistii ayaa muujisay in ku dhawaad saddex-meelood laba (2/3) shacabka Mareykanka ay rumeysan yihiin in Trump uu dhab ahaan bixin doono amar ciidamo lugta ah loogu dirayo dagaal baaxad leh oo ka dhaca Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, boqolkiiba 7 oo keliya dadkii wax la weydiiyay ayaa taageeray fikraddaas dagaalka dhulka ah.
Ra’yi-aruurinta ayaa sidoo kale iftiimisay in qiimeynta taageerada Madaxweyne Trump ay kor u kacday hal dhibic, iyadoo gaartay boqolkiiba 40, marka la barbar dhigo boqolkiiba 39-kii uu haystay bilowgii dagaalka 28-kii bishii Febraayo.

