31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Aadan Madoobe oo u yeeray odayaasha K/Galbeed kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo haatan Muqdisho ka bilaabay dhaq-dhaqaaq la xiriira xaaladda Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan la yeeshay odayaasha dhaqaanka ee maamulkaasi.

Aadan Madoobe oo ay kulankan ku wehliyeen wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka ayaa waxaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed ay kala hadleen xaaladda ka taagan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay xaaladda faraha ka baxday dagaalana ay ka socdaan.

Ugu horreyn odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaaladaha deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara laga gaaro xaaladaha ka taagan deegaanadaasi.

Dhankiisa Sheekh AadanMadoobe ayaa odayaasha uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan horumarka deeganadaasi, isagoo kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan kaalintooda adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo isku dayay inuu tego Baydhaba ayaa is-hortaag waxaa ku sameeyay maamulka Lafta-gareen, iyadoo hawada laga soo celiyay diyaarad sidday wafdi hordhac u ahaa iyo ciidamo ka mid ah ilaaladiisa, taas oo keentay in ay sii kala fogaadaan Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo culus oo ka dhacay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan maamulkaasi, waxaana weli xaaladdu tahay mid kacsan.

Si kastaba, ha’ahaatee arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News