28.5 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Lafta-gareen oo magacaabay taliye cusub oo taabacsan kadib magacaabistii DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa taliye cusub u magacaabay saldhiga booliska ee degmada Baydhabo.

Lafta-gareen ayaa Gaashanle Sare Mukhtaar Ibraahim Maxamed (Dugudow) u magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee saldhiga booliska degmada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magacaabistan ayaa imanaysa saacado kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taliye cusub usoo magacowday saldhiga booliska Baydhabo.

Ka sokow xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale wajahaysa mid ciidan oo Muqdisho iyo Baydhabo amarrada ka kala qaadanaya.

Isla maanta, Dowladda Federaalka ayaa talis cusub u magacowday gobolka Baay, xilli ay haatan kasii dareyso xiisadda culus ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan (Diyaano) oo saaka wareegto soo saaray ayaa wuxuu taliyaha cusub ee qaybta guud ee booliska gobolka Baay u magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) oo horay usoo noqday taliyaha laanta CID-da.

Sidoo kale, wuxuu taliyaha cusub ee saldhigga booliska degmada Baydhabo isna u magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-Gaabeey), iyadoo taliyeyaasha la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolkan taliye u magacaabay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, kadib markii Dowladda Federaalka ay sheegtay in xilkii ay ka qaaday taliyihii hore oo iska diiday markii looga yeeray Muqdisho.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

- Advertisement -

Read more

Local News