29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta diyaarad lagu geeyay degmada Buurhakaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Buurhakaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weli ay kasii dareyso xiisadda dagaal ee ka taagan gobolkaas, iyadoo maanta ciidamo dheeraad la geeyay degmada Buurhakaba.

Ciidamadan oo kor u dhaafaya ilaa 300 oo askari ayaa waxaa diyaarad milatari looga soo qaaday degmada Xudur, waxayna ku biirayaan ciidamada la baxay ‘Badbaadada Koonfur Galbeed’ ee ku sugan halkaasi, lana wareegay degmada.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa muujinaya in mucaaradka uu isku sii fidinaayo deegaanno horleh, taas oo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan ee u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa maanta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool gaaray wafdi ay dirtay dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaas oo kasoo horjeedo madaxweyne Lafta-gareen, waxayna bilaabeen kulamo xasaasi ah.

DFS ayaa sidaan oo kale Khamiistii diyaarado ugu daabusho boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay tababarto dowladda Turkiga, qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumaddu ay haatan hawlaheeda maamul ka waddo magaalada Baydhaba.

Ilo wareedyo dhanka milateriga ah ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu Arbacadii dambe helay amar isku-diyaarinta 1,100 askari oo dheeraad ah, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada si loogu daadgureeyo gobolka.

Si kastaba, Qorshaha Dowladda Federaalka ayaa lagu waramayaa inuu diiradda saarayo xoojinta fariisimaha Baraawe iyo sugidda amniga marinka isku xira Baraawe iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay, halkaas oo in dhowayd ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyooyin ka soo horjeeda dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News