29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Raggii la tartami lahaa Lafta-gareen oo maanta gaaray Baydhaba – Xagee mareen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta wafdi xildhibaanno ah iyo siyaasiyiin kasoo jeedda Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Baydhaba oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo ka dhashay xiisadda DFS iyo Koonfur Galbeed.

Xubnahan oo kasoo baxay Nairobi ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana sidoo kale qayb ka ah Aadan Saransoor iyo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo si weyn u taageersan madaweynaha Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay diyaarad qaas ah ku tageen Baydhaba, iyagoo kasoo duulay deegaano kamid ah dalalka dariska ah, iyaga oo jabiyay xayiraaddii duulimaad ee ay dhawaan dowladdu saartay Baydhaba.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan ay la tartami doonaan madaxweyne Lafta-gareen, oo hadda qorsheynayo in doorasho deg-deg ah uu ku qabto magaalada Baydhaba, taas oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya.

Horay waxaa Baydhaba looga celiyay wasiirro iyo xildhibaanno federaal ah oo laga soo doorto Koonfur Galbeed oo doonayay inay gaaraan magaaladaasi, waxaana saameysay xayiraadda dowladda, waxaase ay u muuqataa in xubnaha la safan Lafta-gareen ay bilaabeen qorshe kale oo ay ku tegayaan Baydhaba.

Dhinaca kale, waxaa maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xildhibaanno ay gaareen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo dhawaan laga taageeray qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo inuu isbeddal ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo kala duwan oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolka Baay.

Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News