29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Sanbaloolshe oo digniin culus kasoo saaray xaaladda dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee dalka, isaga oo walaac ka muujiyay, maadaama ay sii kordhayaan khilaafaadka gudaha ee taagan.

Sanbaloolshe oo kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin kasoo saaray jihada uu dalka aaday, isaga oo tilmaamay in sida ay wax ku socdaan aysan sax aheyn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in arrintan ay keeni karto in aysan sii wada socon karin dadkii horay u wada joogay ee saaxibada madaxweynaha, taas oo  cadeynaysa in garabka Xasan Sheekh ay ka baxayaan saaxibo muhiim ah.

“Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Horay waxaa sidaan oo kale u hadlay, isla markaana dhaleeceyn u jeediyay saaxibo ka tirsan xisbigii UPD ee hadda loo beddalay JSP ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna u muuqataa in qaar kamid ah saaxibada Xasan ay bilaabeen in ay si cad u sheegaan in hoggaamiyahooda jihada uu la aaday dalka aysan ahayn mid sax ah.

Si kastaba, hadalka Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, waxaana muuqata in xulafadii hore ee siyaasadda Xasan Sheekh ay hadda wajahayaan kala fikir duwanaansho dhinaca maamulka iyo xaaladda dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News