29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Daawo: Mucaaradka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay awood ciidan oo xooggan

Bookmark
Bookmarked

Share

Buurhakaba (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta ciidamo xooggan kusoo bandhigay gudaha degmada Buurhakaba, kuwaas oo wada abaabul culus oo ka dhan ah Lafta-gareen.

Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, iyaga oo ku jira safaf-dhadheer, waxaana la hadlay mas’uuliyiin heer federaal ah oo ku sugan Buurhakaba oo kula dardaarmay in ay u diyaar u garoobaan howlgal, maadaama ay dagaal kula jiraan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa waxaa lagu xoojiyay boqolaal askari oo saacadihii ugu dambeeyay diyaarado looga soo qaaday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyaga oo ku biiraya ciidamo kale oo ku sugan aagga magaalada Baydhaba oo dhawaan halkaas dagaal kula galay ciidamada Lafta-gareen.

“Lafta-gareen hal arrin basaa u furan in uu albaabada furo si xoriyad leh deegaanka doorasho uga dhacdo haddii kale waa iska dhicineynaa loomana dulqaadan doono waxa deegaanka ka socda” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo qayb ka ah mas’uuliyiinta wax ka wada abaabulka.

DFS ayaa sidaan oo kale Khamiistii diyaarado ugu daabusho boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay tababarto dowladda Turkiga, qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadaas ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumaddu ay haatan hawlaheeda maamul ka waddo magaalada Baydhaba.

Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, taas oo keeni karta in mar kale dagaallo ka dhan deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abaabulkan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhawaaqday guddiga doorashada maamulkaasi, xilli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashada.

Dhankeeda Dowladda Federaalka ayaa shalay ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo fartay dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin inta laga helo madaxweyne sharci ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo aan la saadaali karin halka ay ku dambeyn doonto, maadaama uu dhinac kasta uu wato qorshihiisa gaarka ah iyo isku dabaridka ciidamo uu u adeegsanayo danihiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News