29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Taliska Xoogga oo war kasoo saaray arrinta diyaaradda iyo xaaladda Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si adag u beeniyay in diyaarad ay leeyiihiin ay maanta ku dhacday magaalada Baydhaba, waxaana talisku tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka ka dambeeya been abuurkan uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, si loo khaldo.

“Wararkan been abuurka ah ayaa u muuqda kuwa lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqo kalsoonida hay’adaha amniga dalka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, taliska ayaa ugu baaqay warbaahinta inay ka feejinaadaan wararka aan la hubin, isla markaana ay xogta saxda ah ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in xaaladda magaalada Baydhaba ay tahay mid deggan, isla-markaana ciidamada amniga ay gudanayaan waajibkooda shaqo.

“Taliska CXD wuxuu xaqiijinayaa in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid deggan, ciidankuna ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Goor sii horreysay wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay Shabelle Tv ayaa beeniyay in diyaarad ay leedahay dowladda ay la wareegeen, isaga oo sheegay in warkaasi ay ku arkeen Facebook-yada.

“Waa been ma jirto Facebook-yada iyo Tv-yada qaar waxa ay sheegayaan, ma jirto diyaarad Helicopter ah oo ku degtay Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Shalay ayay ahayd markii garoonka degmada Waajid lagu rasaaseeyay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Airline, taas oo ku ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista, isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid.

Si kastaba, waxaa si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.

 

- Advertisement -

Read more

Local News