29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Guddoomiyihii Bakool ee K/Galbeed oo la saftay DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Xudur (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbed, Mudane Maxamed Axmed Maxamed ayaa maanta ku dhawaaqay inuu beddalay mowqifkiisii la shaqeynta madaxweyne Lafta-gareen, isaga oo toos ula saftay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Axmed Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu u tanaasulay shacabka oo wajahayo abaaro iyo xaalado adag, isla markaana uu go’aansaday inuu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

“Waxa aan u tanaasulnay Shacabka Bakool ee abaaraha iyo xaaladaha adag wajahaya, waxa aan usoo jeedinayaa in loo hoggaansamo Awaamiirta Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiye Maxamed.

Arrintan ayaa timid, kadib dadaallo ay sameeyeen xubnaha dowladda ee ku sugan gobolka, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Lafta-gareen ka wada gobollad Baay iyo Bakool.

Horay maamulka degmada Xudur ayaa si toos ah ula saftay dowladda, waxaana haatan degmadaas ku sugan mas’uuliyiin ka socda Xukuumadda Federaalka iyo ciidamo loo diyaarinayo inay ka howlgalaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro war kasoo baxay dhinaca Koofur Galbeed oo ku aadan go’aanka uu qaatay guddoomiyaha gobolka Bakool, kaas oo uga sii daraya xiisadda labada dhinac.

Waxaa kale oo jirta in dowladda dhexe ay maamul cusub u magacowday degmada Waajiid ee isla gobolka Bakool oo laga taageeray qorshaheeda.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

- Advertisement -

Read more

Local News