31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay dagaal ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda iyo kuwa Uganda ee howlgalka AUSSOM ayaa maanta ka hortegay weerar culus oo ay Al-Shaaab ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo la fashiliyay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada isbaheysanaya ay ka hortageen isku deyga Al-Shabaab, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen dagaal xooggan oo ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaadhigga oo iyadu qoraalka soo saartay ayaa shaacisay in goobta lagu dilay 40 dhagar-qabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana la dhaawacay tirokale oo intaas kasii badan.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayay inay weerar ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Intii uu socday hawlgalkan, waxaa la dilay in ka badan 40 dhagarqabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale oo badanna la dhaawacay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu beegsanayo argagixisada, si looga hortego weerarada ay ay soo abaabuleyso.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS waxay sii wadi doonaan hawlgallada joogtada ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loogana ciribtiro argagixisada goob kasta oo ay isku dayaan inay gabbaad ka dhigtaan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada Milatariga iyo kuwa Uganda ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga deegaanka Mubaarak, iyaga oo daba socda xubnihii firxadka ee maanta soo weeraray deegaankaas.

Shabeellaha Hoose oo kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maalmhan ka socday howlgallo xoreyn ah, iyadoo deegaanno badan laga saaray Khawaarijta, kadib dagaallo ka dhacay halkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News