27.1 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Muungaab oo heshiisiiyay Cali Guudlaawe iyo Xaadoole + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa heshiis dhex-dhigay madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Muungaab aya labada mas’uul ku maamuusay casho sharaf uu ugu sameeyay hoygiisa, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HirShabelle.

Guddoomiyaha gobolka oo isugu dhigay gogosha ayaa ku guuleystay inuu soo afjaro khilaafka labada mas’uul oo isla gartay in laga wada shaqeeyo horumarka deegaanka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Inta uu socday kulankan waxay sidoo kale mas’uuliyiintu isla qaateen muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada hay’addaha dowladda, si loo hirgeliyo qorshayaal istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo saldhig u noqda kobac dhaqaale, horumar bulsho iyo tayeyn adeeg oo la jaanqaadaya baahiyaha deegaanka, isla markaana xoojinaya nabadda, xasilloonida, kalsoonida dadweynaha iyo horumar waara oo loo dhan yahay

Sidoo kale waxa ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, sugidda nabadgelyada iyo horumarinta hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo dib-u-heshiisiin bulsho oo waarta, doorashooyinka la filayo ee qof iyo codka ah.

Horay Cali Guudlaawe iyo Xaadoole ayaa hawada isugu mariyay hadallo kul-kulul, wuxuuna khilaafkooda gaaray heer uu xidhibaanka ku dhawaaqo inuu isku sharraxo kursiga madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa marxalad kala guur ah, iyada oo la’isku diyaarinayo doorasho ka dhacda Jowhar, si loo soo doorto hoggaan cusub.

Waxaa kale oo intaas usii dheer xaalado adag oo ka dhashay howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli socda iyo kuwa bani’aadamo oo aad u adag.

- Advertisement -

Read more

Local News