27.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Cumar Cabdirashiid oo digniin culus kasoo saaray laba arrin – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa diginin culus kasoo saaray qorshaha dowladdda ee ku aadan shidaal qodista iyo xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo saaray ayaa marka hore ka digay in ka faa’iideysiga shidaalka iyo khayraadka macdanta ay isku beddeli karaan khilaaf siyaasadeed, haddii aan laga gaarin heshiis rasmi ah.

Sidoo kale wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan dib u dhac ku yimaada heshiisyada muhiimka ah ee qaranka, taasina ay horseedi karo halis ku timaada geeddi socodka dowladnimada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in xal waara loo helo siyaasadaha is-diidan ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, maadaama ay saldhig u yihiin dowladnimada, isaga oo xusay in arrimahan iyo shidaal qodistaba ay u baahan yihiin is-afgarad buuxa.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka gudaha, maadaama uu sii dhamaanaayo muddo xileedkiisa iyo kan Baarlamaanka, welina ay taagan tahay xiisaddu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay markabka Turkiga ee qodayo shidaalka, kaas oo lagu magacaabo Çağrı Bey, waxaana loo sameeyay munaasabad wayn oo ay ka qay-galeen  mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Ceelka shidaalka oo lagu magac daray ‘Curad-1’ ayaa waxaa  laga qodi doonaa xeebaha Galmudug, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Mareeg iyo Xarardheere, halkaas oo masaafo ahaan aad uga fog barriga, sida uu shaaciyay wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed.

“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta ku aadan Mareeg ilaa Xarardheere. Aad buu uga fog yahay barriga, waxaana u jiraa masaafo ku dhow 275 km,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Si kastaba, Hawlgalka baadhista shidaalka ee ay Turkigu ka wadaan Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal ay horay u galeen, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu albaab cusub u furo fursado dhaqaale oo ballaaran oo mustaqbalka fog wax ka beddeli kara dhaqaalaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News