Tehran (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar markab oo xamuul ah ayaa la xaqiijiyay inay ka gudbeen xanibaad uu Mareykanku ku soo rogay dhaqdhaqaaqa badda ee Iiraan, kaddib markii ay ka ambabaxeen dekedaha dalkaas, sida ay muujinayaan xogaha laga helayo ilaha la socodka maraakiibta.
Maraakiibtan oo dhammaantood ah kuwa qaada konteenarrada ayaa saddex ka mid ah wataan calanka Iiraan, halka markabka afraad oo lagu magacaabo Tava 4 uu ka diiwaangashan yahay jasiiradaha Comoros, sida lagu sheegay xogaha rasmiga ah ee maraakiibta.
Xanibaaddan oo la sheegay inay bilaabatay maalintii Isniinta ayaa qayb ka ah cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo Mareykanku saaray dhaqdhaqaaqa maraakiibta la xiriira Iiraan, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta howlgalka.
Markabka lagu magacaabo Azargoun ayaa la sheegay inuu ka shiraacday dekedda Shahid Rajee ee Iiraan, isagoo si toos ah uga gudbay xariiqda xanibaadda, isla markaana lagu soo warramayo inuu ku sii jeedo dekedda Kandla ee waqooyi-galbeed dalka Hindiya.
Sidoo kale, markabka Ashkan 3 ayaa ka ambabaxay dekedda Chabahar ee bariga Iiraan, waxaana xogaha la socodku muujinayaan in haatan lagu arkay magaalada dekedda leh ee Karachi, Pakistan.
Markab kale oo lagu magacaabo Shabdis ayaa isna ka baxay Chabahar, waxaana lagu arkay meel u dhow xeebaha koonfur-galbeed ee Hindiya, isagoo ku sii jeeda magaalada Zhuhai ee dalka Shiinaha.
Dhanka kale, Tava 4 oo ah markabka kaliya ee aan sidin calanka Iiraan ayaa ka baxay dekedda Bandar Imam Khomeini, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku dhow yahay xeebta galbeed ee Hindiya, isagoo u socda dekedda Jawaharlal Nehru ee u dhow Mumbai.
Xogahan ayaa lagu saleynayaa nidaamyada raadraaca maraakiibta ee caalamiga ah, kuwaas oo muujinaya goobaha ay ku sugan yihiin iyo jihada ay u socdaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo la xiriira saxnaanta xogtan mararka qaar.
Khubarada amniga badda ayaa tilmaamaya in maraakiibta qaarkood ay damiyaan qalabka raadraaca ama ay diraan macluumaad marin-habaab ah si ay uga fogaadaan kormeerka ama cunaqabateynta, taas oo adkeyn karta xaqiijinta xogaha noocan oo kale ah.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa si dhow u tabinaya arrintan, iyagoo xusay in dhaqdhaqaaqan uu muujinayo caqabado ku gadaaman hirgelinta xanibaadaha Mareykanka iyo sida ay u adag tahay in si buuxda loo xakameeyo marin-biyoodka caalamiga ah.
Dhanka Mareykanka, Taliyaha Ciidamada, General Dan Caine, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Mareykanku “wali sii wado go’doominta,” inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida maraakiibtan ay uga gudbeen xayiraadda.
Markii arrintan wax laga weydiiyay, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in aysan wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonin wixii ka baxsan hadalladii lagu sheegay shirkii jaraa’id, taasoo sii kordhisay su’aalaha ku saabsan waxtarka iyo hirgelinta xanibaaddaasi.

