28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Iiraan oo ku dhawaaqday inay furtay marinka Hormuz kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqday in Gacanka Hormuz uu si buuxda ugu furan yahay isu-socodka maraakiibta ganacsiga inta lagu guda jiro xabbad-joojinta u dhaxaysa dalalka Israa’iil iyo Lubnaan.

“Iyadoo la tixraacayo xabbad-joojinta ka hirgashay Lubnaan, marinka dhammaan maraakiibta ganacsiga ee Gacanka Hormuz waxaa lagu dhawaaqay inuu si buuxda u furan yahay inta ka harsan muddada xabbad-joojinta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Seyed Abbas Araghchi, oo qoraal soo dhigay bartiisa X.

Sidoo kale, Araghchi ayaa sheegay in maraakiibtu ay tahay inay maraan “waddo la isku dubariday” oo ay shaaciyeen hay’adaha badaha ee Iiraan.

Xabbad-joojinta iyo saameynta milateri

Israa’iil iyo Lubnaan ayaa maalintii Khamiista isku raacay xabbad-joojin socon doonta muddo 10 cisho ah, taas oo bilaabatay 5:00 galabnimo waqtiga Bariga Mareykanka (ET) ee isla fiidkaas.

Duullaanka milatari ee Israa’iil ay ka waddo gudaha Lubnaan, kaas oo ka dhan ah kooxda hubaysan ee Xisbullaah oo ah xulafo dhow la ah Iiraan, ayaa ahaa qodob caqabad weyn ku abuuray wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Jawaabta Mareykanka iyo go’doominta dekedaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa isla markiiba uga mahadceliyay Iiraan furitaanka gacanka, isaga oo adeegsanaya qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Balse Trump ayaa xusay in go’doominta dhanka badda ah ee ciidamada badda Mareykanku ku hayaan dekedaha Iiraan ay sii socon doonto illaa heshiis rasmi ah lala gaarayo xukuumadda Tehran.

“Go’doominta dekedaha Iiraan way sii socon doontaa ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo,” ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Isbeddelka suuqyada shidaalka caalamka

Qiimaha shidaalka adduunka ayaa hoos u dhacay in ka badan 11% wixii ka dambeeyay markii go’aankan la shaaciyay.

Qiyaastii shan meelood meel ka mid ah saadka saliidda ceyriin ee adduunka ayaa mari jiray gacankan ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

Xirnaanta marinkan badeed, oo isku xira Khaliijka (Gacanka Faaris) iyo suuqyada tamarta adduunka, ayaa sababtay carqaladdii ugu weyneyd ee taariikhda soo marta saadka shidaalka adduunka.

Khilaafka heshiisyadii hore iyo wada-hadallada socda

Madaxweyne Trump ayaa hore u oggolaaday xabbad-joojin laba toddobaad ah 7-dii bishii Abriil, isaga oo beddelkeeda ku shartay in Iiraan ay gabi ahaanba furto gacanka. Balse Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu jabiyay heshiiska, kaddib markii uu u oggolaaday Israa’iil inay sii waddo ololeheeda milatari ee Lubnaan.

Gacanka ayaa ahaa mid ku dhawaad gabi ahaanba xiran intii ay socotay xabbad-joojintii u dhexeysay Mareykanka iyo Iiraan, maadaama labada dal ay isku khilaafeen shuruudaha heshiiska. Tiro aad u yar oo maraakiib ganacsi ah ayaa maalin kasta isticmaalayay marinkan biyaha ah.

Wada-hadallo u dhexeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Ghalibaf, oo dhammaadkii toddobaadkii hore ka dhacay dalka Pakistan, ayaa guul-darreystay in laga soo saaro heshiis si joogto ah u soo afjaraya xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in wada-xaajoodayaasha Mareykanka iyo Iiraan ay suurtagal tahay inay dhammaadka toddobaadkan mar kale ku kulmaan Pakistan si ay u yeeshaan wareeg labaad oo wada-hadallo ah.

- Advertisement -

Read more

Local News