31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Mucaaradka oo ku dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ kadib kulankii odayaasha Hawiye

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, iyaga oo kadib ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah, gaar ahaan dhisida koox ‘Badbaado Qaran ah’.

Kulanka oo ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mucaaradka waxay odayaasha kula wadaageen xaaladda adag ee uu dalku marayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka, kadibna uu ku xigo madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu shaaca ka qaaday Ra’iisul wasaare hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Ujeedada kulamadan waxaa weeyey inaan shacabka Soomaaliyeed u sheegno xaaladda uu dalka ku sugan yahay marxaladihii kala duwanaa ee aan lasoo marnay madaxweyne Xasan Sheekh iyo halka ay kusoo dhammaadeen shirarkii aan lasoo galnay”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la wadaagnay xaaladda uu dalka ku jiro iyo marxaladda kala guurka ah sidaad la socotaan muddo xileedkii Baarlamaanka wuu dhammaaday mida madaxweynahana waa 15-ka May oo maanta ka dhiman tahay 20 maalmood dalka Soomaaliyana uu galayo xaalad mugdi ah”.

Dhanka kale, wuxuu ku dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ isaga oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, qaybna ka noqdaan abaabulka socda.

“Waxaan isla garanay in hadda wixii ka dambeeyo uu dalka u baahan yahay badbaado qaran oo Soomaali oo dhan ay ka qayb-qaadato. Madaxweynaha kor iyo hoos waa ula hadalnay ehelnimo iyo asaxaabtinimo si kasta wax waan ugu sheegnay inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakin hadda dalka Soomaaliya wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala tego”. ayuu mar kale yiri Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii.

Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News