30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Soomaaliya + Bartilmaameedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Puntland lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay dhul buuraley ah oo qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada dekedda ah ee Boosaaso, xarunta ganacsiga ee gobolka Bari.

Bayaan ay AFRICOM soo saartay ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi la fuliyay 17-kii April, xilli Mareykanku uu kordhinayo weerarrada cirka ee uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, AFRICOM ma aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, mana shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, ha ahaado mid naf iyo maalba leh.

Arrintan ayaa qeyb ka ah siyaasad cusub oo Mareykanku qaatay tan iyo sanadkii hore, taas oo ku aaddan in la yareeyo xogta la shaacinayo ee la xiriirta duqeymaha militari.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka wada koonfurta Soomaaliya, halkaas oo toddobaadyadii u dambeeyay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa goobaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada sare ee kooxahaasi.

Inkasta oo heerka duqeymaha Mareykanka uu hoos u dhacay xilligii ugu sarreeyay ee xiisadaha la xiriira Iiraan, haddana AFRICOM ayaa weli sii wada hawl-galladeeda militari ee Soomaaliya. Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in AFRICOM ay ku dhowdahay inay jabiso rikoodhkii sanadlaha ahaa ee duqeymaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News