Mekelle (Caasimada Online) – Xisbiga ugu weyn siyaasadda ee Tigray ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula wareegayo gacan-ku-heynta maamulka gobolka, tallaabo si weyn loogu fasiran karo inay meesha ka saarayso qaab-dhismeedkii heshiiska nabadeed ee ay la galeen dowladda federaalka Itoobiya, kaas oo soo afjaray mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badnaa qarnigan.
War qoraal ah oo TPLF, oo ah Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray, ay ku baahisay barta Facebook, ayay xisbigu ku eedeeyeen dowladda federaalka inay jebisay heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii labada sano socday.
Qoraalkaas ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay hurisay isku dhac hubeysan oo ka dhex qarxa gudaha Tigray, inay joojisay dhaqaalihii lagu bixin lahaa mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee gobolka, isla markaana ay muddo kordhin u sameysay madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah iyada oo aan xisbiga lagala tashan.
“Waxay ku degdegeysaa inay mar kale bilowdo dagaal dhiig badan ku daato,” ayaa lagu yiri bayaanka TPLF.
Go’aankaas ayaa durba falcelin xooggan dhaliyay, iyadoo Getachew Reda, oo hore u ahaa afhayeenka TPLF isla markaana hadda la-taliye u ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu Axaddii ku qoray barta X in bayaanka xisbiga uu yahay “diidmo cad” oo ka dhan ah nidaamkii siyaasadeed ee dagaalka kaddib lagu dhisay heshiiskii Pretoria.
Getachew ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u farageliso si looga hortago khatar cusub oo horseedi karta dagaal ba’an oo ka qarxa gobol aanu duruuftiisu qaadi karin colaad kale. Getachew waxa uu hore u soo noqday madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, balse waxa uu markii dambe khilaaf la galay TPLF, ka hor inta aan xilka laga beddelin sanadkii hore.
Ilaa hadda wax jawaab ah kama soo bixin xafiiska afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, Billene Seyoum, oo la weydiiyay eedeymaha TPLF. Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan TPLF si degdeg ah looma helin si ay faahfaahin dheeraad ah uga bixiyaan arrintan.
Dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay ciidamada ay hoggaaminayeen TPLF iyo ciidanka qaranka Itoobiya, oo socday intii u dhexeysay 2020 illaa 2022, ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo qof, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal, iyadoo dhimashadu ka dhalatay rabshado toos ah, burburka adeegyada caafimaadka iyo macaluul ka dhalatay colaadda.
Asalka dagaalkaas wuxuu ka dhashay xiriir xumaaday oo u dhexeeyay TPLF, oo markii hore ahayd jabhad hubeysan dabadeedna isu beddeshay xisbi siyaasadeed muddo ku dhow soddon sano si weyn ugu awood badnaa siyaasadda Itoobiya, iyo Abiy Ahmed, oo markii loo magacaabay ra’iisul wasaare sanadkii 2018 soo afjaray saameyntii dheerayd ee TPLF ku lahayd talada dalka.
Dagaalka ayaa joogsaday dabayaaqadii 2022 kaddib heshiiskii Pretoria oo Midowga Afrika dhexdhexaadiyay. Heshiiskaas waxa uu dhigayay in Tigray laga hirgeliyo maamul ku-meel-gaar ah oo lagu soo dhiso wadahadal dhex mara labada dhinac, si uu u beddelo hay’adihii hore ee la doortay ilaa laga qabanayo doorashooyin cusub.
Inkasta oo heshiiskaas laga sameeyay horumar dhinacyo qaar ah, haddana bilihii u dambeeyay waxa isa soo tarayay cadaadiskii iyo shakigii ku hareeraysnaa hirgelintiisa. Tan iyo bishii Janaayo waxaa soo noqnoqday iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeya ciidamada TPLF, ciidanka federaalka iyo maleeshiyaad taageersan dowladda.
Iyadoo ka jawaabaysa waxa ay ku sheegtay xadgudubyada dowladda federaalka, TPLF ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay dib u soo celin doonto golaha fulinta iyo baarlamaanka Tigray, si ay u beddelaan maamulka ku-meel-gaarka ah ee hadda jira. Waxay sidoo kale sheegtay inay xoojin doonto xiriirka iyo saaxiibtinimada ay la leedahay shacabka gobollada deriska la ah Tigray iyo dalalka ku xeeran.
Dhinaca kale, dowladda federaalka Itoobiya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay heshiiska Pretoria, balse waxay TPLF ku eedeysay inay maleegayso falal ka dhan ah heshiiskaas iyada oo kaashaneysa Eritrea. Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya sanadkii 1993, waxaana labada dal dhex maray dagaal xuduudeed 1998 ilaa 2000.
Si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashada TPLF ee ku aaddan xadgudubyada ay dowladda federaalka ku eedeysay. Sidoo kale, afhayeenka Midowga Afrika Nuur Maxamed si degdeg ah looma helin si uu uga hadlo go’aanka TPLF ee ay ku dooneyso inay dib u soo celiso maamulkii hore ee gobolka.
TPLF iyo Eritrea labaduba way beeniyeen inay iskaashi yeesheen.
Eritrea, oo heshiis nabadeed gaar ah la saxiixatay Itoobiya sanadkii 2018, waxay dagaalkii Tigray ku garab dagaallantay ciidanka Itoobiya. Hase yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale qabow noqday, iyadoo Asmara ay walaac ka muujisay hadallo kasoo yeeray Abiy Ahmed oo ku adkeysanaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay xaq u leedahay marin badeed.

