Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in nin 23 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Minnesota, asalkiisana Soomaali yahay, lagu xukumay siddeed sano iyo bar xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay inuu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka (Daacish).
Xukunka Cabdisatar Axmed Xasan oo dhacay Arbacadii ayaa ku soo beegmaya xilli milateriga Mareykanka iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland ay wadaan olole ballaaran oo ka dhan ah garabka Daacish ee Geeska Afrika, taas oo si xawli ah u koreysa, noqotayna goob ay u soo hayaamaan dagaalyahannada shisheeye.
Garsooraha Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee degmada Minnesota, Donovan W. Frank, ayaa Cabdisatar ku xukumay 102 bilood oo xabsi ah, taas oo ay weheliso 15 sano oo si dhow loola socon doono dhaqdhaqaaqiisa marka uu xabsiga ka soo baxo. Ninkan ayaa horay u qirtay inuu dambiile yahay, isagoo qiray inuu isku dayay inuu taageero maaddi ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye.
Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa dalbaday in lagu xukumo 17 sano, iyagoo ku dooday in isku-daygiisa ku aaddan ku-biiritaanka kooxdaas uu ahaa mid joogto ah, qorsheysan, oo aan ka-noqosho lahayn. Dhanka kale, qareennada difaacayay ayaa weydiistay in lagu xukumo shan sano, iyagoo xusay inuusan cid kale qorin, lacag u dirin dibadda, ama uusan ku guuleysan safarkiisa.
Christopher Dotson, oo ah wakiilka gaarka ah ee hay’adda dambi-baarista Mareykanka (FBI) u qaabilsan xafiiska Minneapolis, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Cabdisatar Xasan uu qaaday tallaabooyin dhab ah oo uu isku dayay inuu ugu biiro uguna taageero Daacish. Wuxuu kooxdaas ku sifeeyay urur argagixiso shisheeye oo naxariis daran, mas’uulna ka ah dhimashada kumannaan qof oo aan waxba galabsan. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xukunkani uu waddada ka saarayo shakhsi damac argagixiso ku jiray, uuna farriin cad u dirayo ciddii isku dayda inay gacan siiso kooxahaas.
Dokumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Cabdisatar uu bilaabay daawashada iyo akhriska dacaayadaha Daacish iyo kooxaha kale ee xagjirka ah horraantii sanadkii 2024. Wuxuu markii dambe u sheegay baarayaasha federaalka in xagjirnimadiisu ay sii xoogeysatay kadib markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023.
Waxaa lagu eedeeyay inuu soo dejistay muuqaallo iyo qoraallo dhiirrigelinaya rabshado oo ka yimid garabka warbaahinta ee Daacish. Sidoo kale, eedeymaha ayaa sheegaya inuu helay buug-gacmeedyo ku qoran luuqadda Carabiga oo faahfaahinaya sida loo sameeyo walxaha qarxa ee awoodda badan sida C4 iyo maadada ‘urea nitrate’. Wuxuu sidoo kale baaritaan ku sameeyay xirfadaha tababarka toogteyaasha (snipers), isagoo la xiriiray iskuul dhanka internet-ka ah oo bixiya farsamada hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.
Markii la gaaray bishii Nofembar 2024, wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay xubno Daacish u qaabilsan qorista dagaalyahannada oo ku sugan Soomaaliya. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha, wuxuu xubnahaas ugu yeeri jiray “taliye” iyo “adeer”, isagoo weydiistay caawimaad si uu u gaaro deegaannada ay kooxdu maamusho.
Kadib markii uu ka tagay shaqadiisii, lacagtiisiina uu kala baxay bankiga, ayuu bishii Diseembar 2024 iibsaday tikit hal jiho ah oo uu ku tagayo Soomaaliya, isagoo internet-ka ku soo qoray: “Waxaan iska dhiibayaa Daacish markiiba.”
Sirdoonka FBI-da ayaa isha ku hayay isku-daygiisii ugu horreeyay ee uu doonayay inuu uga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Minneapolis 13-kii Diseembar 2024, balse halkaas ayaa laga celiyay markii la ogaaday inuusan wadan dal-ku-gal (Visa).
Laba toddobaad kadib, ayuu markale isku dayay, isagoo u duulay magaalada Chicago si uu uga raaco diyaarad caalami ah. Saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (CBP) ayaa qabtay kahor inta uusan diyaaradda fuulin, waxaana boorsadiisii gacanta laga helay shahaadadiisii dhalashada, waraaqihiisii jinsiyadda iyo shahaadadiisii dugsiga sare.
In kasta oo uu markii hore beeniyay inuu lahaa ujeeddo xun, haddana markii dambe wuxuu qirtay taageerada uu u hayo Daacish iyo rabitaankiisa ku aaddan dhismaha khilaafada Islaamiga ah. Wuxuu u sheegay saraakiisha dowladda inuusan aaminsaneyn dimoqraadiyadda, isagoo ku dooday in nidaamka caddaaladda Mareykanku uu yahay argagixisada dhabta ah.
Isku-dayga Cabdisatar ee ahaa inuu gaaro furimaha dagaalka ayaa ku soo beegmay isbeddel weyn oo ku yimid shabakadda caalamiga ah ee Daacish. In kasta oo inta badan Soomaaliya ay awood ku leedahay kooxda Al-Shabaab oo gacan-saar la leh Al-Qaacida, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay si weyn isku soo abaabulay, iyagoo boqollaal dagaalyahanno shisheeye ah ku soo dhoweeyay saldhigyadooda.
Horraantii sanadkii 2025, ciidamada ammaanka Puntland iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaaday “Hawlgalka Hillaac” si ay xoogaggan uga saaraan godadka buuraha Cal Miskaad iyo Golis ee ay ku dhuumaaleystaan. Xukuumadda Washington ayaa hadda u aragta garabkan Soomaaliya inay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga gudaha Mareykanka, taas oo dhalisay in Mareykanku uu si xooggan u kordhiyo duqeymaha xagga cirka ah ee gobolka Bari intii lagu jiray sanadkii 2025 ilaa iyo hadda bishan Abriil ee sanadka 2026-ka.
In kasta oo uu ku guuldareystay inuu gaaro buuraha Soomaaliya, Cabdisatar ayaa sii waday inuu soo bandhigo aragtiyo xagjir ah markii uu dib ugu laabtay Minnesota. Bishii Janaayo 2025, wuxuu si fagaare ah u ammaanay shakhsigii fuliyay weerar baabuur oo ay Daacish dhiirrigelisay oo ka dhacay magaalada New Orleans, kaas oo ay ku dhinteen 14 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu ninkaas ku tilmaamay “Mujaahid” iyo “geesi laayay Mareykan.”
Dabayaaqadii bishii Febraayo 2025, toddobaadyo un kahor inta aan la xirin, wuxuu baraha bulshada soo geliyay muuqaallo muujinaya isagoo gaarigiisa wata xilli habeen ah, islamarkaana dhabtiisa ay saaran tahay toorey aad u dheer, gacantana ku haya calanka madow ee Daacish oo uu isagu sameystay. Markii ay FBI-da xireen 27-kii Febraayo 2025, waxaa laga helay isla tooreydii, halka calankiina uu u saarnaa gaarigiisa dhexdiisa.
Sarkaalka FBI-da ayaa soo gebagebeeyay in ninkani uu u dabbaaldegay dhimashada dadkii lagu laayay New Orleans, markii uu awoodi waayay inuu safro-na uu billaabay faafinta dacaayadaha Daacish iyo Al-Shabaab si uu ugu dhiirrigeliyo dadka kale inay la dagaallamaan dowladda Mareykanka.

