25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Markab shidaal u soo siday Muqdisho oo la afduubtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox burcad badeed ah ayaa afduubtay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah, xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dhowr sarkaal oo dhanka amniga ah.

Markabkan oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa la wareegay gacan-ku-hayntiisa lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

Illaa saddex sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

Afduubka markabkan shidaalka ee ku wajahnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la filayaa inuu kordhiyo walaaca laga qabo sicir-bararka, iyadoo qiimaha shidaalku uu saddex jibbaar kor u kacay tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan.

Saraakiil amni oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa BBC u sheegay in markabku uu siday shidaal dhan 18,500 oo fuusto.

Sida lagu daabacay shabakadda la socodka maraakiibta ee ShipAtlas, markabka la afduubtay ayaa 20-kii Febraayo ka ambabaxay dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, wuxuuna gaaray meel u dhow xeebaha Isutagga Imaaraadka Carabta waxyar uun kaddib markii ay colaaddu qaraxday gobolka.

Khariidadda socdaalka ayaa muujinaysa in markabku uu ku wareegayay biyaha u dhow afaafka hore ee Marinka Hormuz, kahor inta uusan 2-dii Abriil dib u soo laaban isagoo kusoo jeeda magaalada Muqdisho.

Markabkan oo hadda ku jira gacanta burcad-badeedda, isla markaana ay saaran yihiin 17 shaqaale ah oo isugu jira 10 u dhashay Pakistan, afar Indonesian ah, hal Hindi ah, hal u dhashay Sri Lanka iyo hal qof oo kasoo jeeda dalka Myanmar, ayaa lagu xirtay meel u dhow xeebta Soomaaliya ee u dhexaysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shan nin oo kale oo hubeysan ay tan iyo xilligaas dusha ka fuuleen markabka Honour 25 si ay ugu biiraan kooxdii hore.

Saraakiisha ayaa aaminsan in afduubeyaashu ay kasoo shiraacdeen deegaan fog oo u dhow Bander Beyla, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qaabka ay ugu suurtagashay inay dhexda u galaan oo ay la wareegaan markabkan weyn ee shidaalka.

Illaa iyo hadda, maamulka Soomaaliya iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR), oo qaabilsan howlgallada la-dagaallanka burcad-badeedda ee biyaha Soomaaliya, midna kama uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku aaddan afduubkan u dambeeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News