Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa kusoo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhow ula socda qorshaha daabulista ciidamadan.
Masar ayaa la sheegay inay Soomaaliya usoo dirayso ciidan gaaraya 1,410 askari, kuwaas oo wata gaadiid iyo qalab ka duwan kuwa ay isticmaalaan ciidamada kale ee ka tirsan howlgalka AUSSOM ee haatan ka socda dalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah loo tababaray, isla markaana leh xirfado sare oo ku aaddan howlgalada amni ee ka socda Soomaaliya, iyadoo la filayo inay door muuqda ka qaataan sugidda amniga.
Xukuumadda Qaahira ayaa horay usoo bandhigtay gaadiid gaashaaman iyo ciidamo si heer sare ah u qalabeysan, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha dalka Masar bilooyin ka hor, inkasta oo aan markaas si rasmi ah loo shaacin ujeedada loo diyaarinayay.
Waxaa sidoo kale dhowaan si rasmi ah u bilaaban doonto daabulista ciidamada, gaadiidkooda iyo agabkooda ciidan, iyadoo la diyaariyay qorshe dhameystiran oo ku aaddan howlgalka ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Goobaha ay ciidamadan ka howlgalayaan ayaa horay loo qiimeeyay, kadib markii khubaro ka socotay Masar ay booqashooyin ku tageen meelo kala duwan oo dalka ah, si loo hubiyo diyaar-garowga howlgalka cusub.
Ka qaybgalka Masar waxaa oggolaaday Midowga Afrika dabayaaqadii 2024-kii, kaddib wadahadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loogu meel mariyay heshiis amni oo laba geesood ah oo la saxiixay bishii Janaayo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, halkaas oo ay Qaahira ku ballan-qaadday inay kordhinayso tababarka iyo hubeynta ciidamada Soomaaliya, ayna soo saartay digniin ka dhan ah tallaabooyinka loo arko inay halis gelinayaan amniga Badda Cas.
Si kastaba, ka qaybgalka howlgalka xasilinta Soomaaliya waa mid ay Masar ku muujinayso garab-istaagga ay la garab taagan tahay Muqdisho, sidoo kalena qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda ballaaran ee Badda Cas.

