28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Mucaaradka oo saddex qodob ku xiray gogosha uu dhigay Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa qoraal uu soo saaray uga fal-celiyay shirka uu Golaha Mustaqbalka ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in mucaaradka ay aqbali karaan gogosha, haddii uu madaxweynuhu ka laabto qodobada hoose:-

1– Waa inuu joojiyaa doorashooyinka sharci darrada ah ee kasocda dawlad goboleedyada.

2– Waa inuu ka noqdaa waxka badalkii dastuurkii dalka ee sida sharcidarada ah barlamaanka lagu marsiiyay 4/3/2026.

3– waa inuu ku dhawaaqa wixii kadanbeeya 15May inuusan haysan sharciyad uu xafiiska kusii joogo hadaan dib loodooran.

Shuruudahan ayaa imanaya saacado un kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadli doono arrimaha masiiriga ah, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Waxaa kale oo lagu yiri bayaanka “Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan”.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News