29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Lafta-gareen: Siyaasadda Xasan oo ari gadaayo ayaan kusoo jiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo wareysi siiyay Geed-Fadhi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi oo lagaga guuleystay kadib dagaal uu la galay dowladda.

Lafta-gareen oo hadda dibad joog ah, kuna sugan magaalada Nairobi ayaa si qoto dheer uga hadlay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay dowladda dhexe, isagoo dood adag ka keenay, sida ay wax uga dhaceen magaalada Baydhabo.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa si toos ah u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo sheegay inuu uga soo horreeyay siyaasadda, isla markaana uu wax qabto dalka iyo dadkiisa.

“Siyaasadda Xasan oo ari gadaayo ayaan kusoo jiray aniga Xasan oo Macallin ah ayaan siyaasi soo ahaa da’dii uu Xasan siyaasadda kusoo galay aniga weli ma gaarin 57 sano ayaan siyaasi ku noqday ayuu dhahay wax weyna waa soo qabtay”. ayuu yiri Lafta-gareen

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ujeedka duulaanka Dowladda Federaalka ee Baydhabo aanu ahayn isaga, balse loo socday Koonfur Galbeed, ugu dambeyna la burburiyay nidaamkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa loo jeeday aniga ma aha horay ayaan u sheegay haddii aniga la’ii jeedo maanta Koonfur Galbeed ayaa jiri lahayd aniga waaba soo tagaye”. ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu farriin culus u diray dadka Koonfur Galbeed, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay uga dhiidhi lahaayeen gumeysi uu sheegay in lagu hayo maamulkooda, loona badbaadin lahaa mustaqbalkiisa.

“Dadka Koonfur Galbeed horay waa ula hadlay war waxa loo socdo waa in la’idin gumeysto 2026 ayaa la marayaa qarniga 21-aad ee ha noqonina dadkii ugu horreeyay ee la gumeysto ee ha yeelin”. ayuu mar kale yiri Lafta-gareen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay doorashada Koonfur Galbeed, iyada oo musharraxa Xisbiga JSP loo gartay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News