Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa si weyn usoo dhaweysay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad u fidiyey Golaha Mustaqbalka, xilli khilaafka siyaasadeed ee dalka uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan muranka la xiriira doorashooyinka iyo muddada xilka madaxweynaha.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay in dhinacyada ay quseyso gogosha fidsan inay si niyad-sami leh uga qayb-galaan, ayna muujiyaan tanaasul, si la’isu soo dhawaado.
“UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka. Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad”. ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay casuumaada loo fidiyay Golaha Mustaqbalka, iyada oo dhankeeda ballan qaaday in ay taageeri doonto gogosha, si ay xal waara loo gaaro.
“Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha kale, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo arrimaha taagan”. ayaa markale lagu yiri bayaanka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay Golaha Mustaqbalka kulan dhici doona 10-ka May 2026, si looga wada-hadlo xaaladda cakiran ee dalka, loona gaari heshiis rasmi ah.
Villa Somalia ayaa sheegtay in casuumaaddan ay timid kadib wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed..
“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada, oo intaas ku daray in wada-hadallada loo baahan yahay inay noqdaan kuwo miro dhal ah.
Soo dhaweynta QM ayaa timid saacado kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen in aysan Madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 15-ka May 2026. Mucaaradka ayaa sheegay in muddada dastuuriga ah ee madaxweynaha ay ku eg tahay 15-ka May, islamarkaana wixii maalintaas ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale.”


