29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Farmaajo oo shaaciyay heshiis uu ka shaqeynayay Abiy oo Muuse Biixi ku riixay inuu ogolaado…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in intii uu xilka hayay uu hoggaanka Somaliland aqbalay midnimada Soomaaliya.

Farmaajo oo bixiyay wareysi cusub ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu aqbalay ka tanaasulka qadiyadda gooni-u-goosadka, lana qaato midnimo, kaddib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Farmaajo ayaa sheegay in kulamo gaar ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa lagu lafa-guray isku dayga lagu doonayay in lagu soo afjaro kala fogaanshaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo Abiy uu door muuqda ku lahaa isu soo dhoweynta labada dhinac.

Wuxuu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu si dhab ah uga shaqeynayay arrinta midnimada, inkastoo taariikh ahaan Itoobiya lagu eedeeyo inay door weyn ku leedahay kala fogeynta Soomaalida. Si kastaba, Farmaajo ayaa xusay in hoggaanka cusub ee Addis Ababa laga dareemay isbeddel ku wajahan xal u helidda khilaafaadka Soomaalida.

Sida uu sheegay, intii uu ku sugnaa Addis Ababa ayuu Abiy la soo xiriiray, isagoo u sheegay in Muuse Biixi uu halkaas joogo, isla markaana uu doonayo inuu abaabulo kulan ay yeeshaan labada dhinac.

Farmaajo ayaa sheegay inuu aqbalay dalabkaas, isla markaana ay wada qaateen saacado badan oo wada-hadal ah. Madaxweynihii hore ayaa xusay in kulankaas uu Muuse Biixi u soo bandhigay inuu hoggaamiyo Soomaaliya oo dhan, isla markaana uu ka shaqeeyo sixidda khaladaadkii hore.

Wuxuu intaas ku daray in Muuse Biixi uu muujiyay diyaar u ahaansho uu ku tixgelinayo fikraddaas, taas oo ka dhigan in Biixi uu markaas ka tanaasulay qadiyadda gooni-u-goosadka, sida uu hadalka u dhigay Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isna kula taliyay in marka uu Muqdisho tago uu bixiyo cudur-daar iyo raalli-gelin ku aaddan wixii hore loogu geystay reer Somaliland, si loo yareeyo tabashada iyo kala fogaanshaha labada dhinac.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa xusay in Abiy Axmed uu Biixi u sheegay in aan la filayn in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in xal loo raadiyo midnimada iyo wadajirka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in khilaafaadkii hore ay saameyn ku lahaayeen arrimo gobolka ka jiray, gaar ahaan xaaladdii Tigray, balse uu Abiy doonayay inuu furo bog cusub oo ku saabsan heshiis iyo wadajir Soomaaliyeed.

Muuse Biixi Cabdi oo kal hore si kooban uga hadlay wada-hadallada Addis Ababa ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy uu doonayay inuu Farmaajo geeyo Hargeysa, hase yeeshee uu isagu si toos ah ula hadlay Farmaajo, isla markaana u sheegay in uusan qaadan taladaas.

Si kastaba, qadiyadda gooni-u-goosadka Somaliland ayaa haatan u muuqata mid sii xoogeysatay, kaddib markii dhawaan Israa’iil ay ku dhawaaqday inay u aqoonsatay dal madax-bannaan, taas oo si weyn uga careysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo iyaduna ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News