Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa caawa degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo shacab careysan, kaas oo si adag u cambaareeyeen mucaaradka.
Iska hor-imaadkan oo ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku haya howlaha banaynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhacdada caawa ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.
“Waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.
Iska hor-imaadka caawa ka dhacay Deyniile ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee caawa lagu qaaday shacabka xaafadda War-laliska ee degmada Dayniile.
Waa fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo waxaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladdda iyo boobka hantida ummadda.
Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa waalidinta Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil yar oo 3 jir ah, kuna dhintay weerarka caawa.
Ugu dambayn, waxaan ciidamada ammaanka uga digayaa ficillada foosha xun iyo weerarada bahalnimo ee ka dhanka ah nafta iyo maalka bulshada caasimadda, waana inay joojiyaan qaadashada amarrada qaldan ee looga horkeenayo shacabka.
SHARIF SHEIKH AHMED
Madaxweynihii 7-aad ee JFS

