Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca iyo amniga ah kadib kulan muhiim ah oo magaalada Istanbul ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun.
Kulankan ayaa ka dhacay intii lagu guda jiray Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026, kaas oo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.
Wasiir Fiqi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa dhinaca Suudaan kala hadlay arrimo la xiriira amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada militariga iyo difaaca.
Dowladda Suudaan ayaa kulanka ku muujisay inay taageero buuxda siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ay ku dooneyso ciribtirka kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay isweydaarsiga khibradaha amniga iyo tababarrada ciidamada, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha difaaca ee labada dowladood.
Wasiirrada ayaa adkeeyay in iskaashiga cusub uu salka ku hayo danaha wadaagga ah ee labada dal, iyadoo la tilmaamay in Soomaaliya iyo Suudaan ay leeyihiin xiriir walaaltinimo iyo iskaashi soo jireen ah.
Kulankan iyo heshiiska ka dhashay ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto xoojinta xiriirrada amni iyo difaac ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa Islaamka, si loo taageero dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

