Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo badbaadiyay dad shacab ah oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu soo badbaadiyay 9 qof oo shacab ah, kuwaas oo u afduubna kooxda.
Intii hawlgalka uu socday, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
“Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Si cad uma aysan sheegin dowladda sababta ay dadka lasoo badbaadiyay ugu xirnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan Khawaarijta arxanka daran ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo karaamo.
Dhammaad

