Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo kasii soconaya xaydaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.
Wada-hadalladan oo ku bilowday jawi deggan, isla markaana uu dhex-dhexaadinayo Mareykanka ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul wasare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metalayaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wararka ayaa sheegaya in maanta la guda geli doono doodaha xasaasiga ah ee la xiriira arrimaha masiiriga ah, gaar ahaan wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan labada dhinac.
Xubnaha mucaaradka oo xulafo la ah Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan nooca doorasho ee la qaban karo, halka ay Villa Somalia wei ku adkeysaneyso doorashooyin dadweyne oo haatan ka socda dalka, gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo latashiyo ay kula soo sameeyeen dhinacyada ay metalaan, si ay dooda usii socoto, isla markaana xal looga gaaro khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taagan dalka.
Shirku wuxuu ka socdaa xarun ay maamusho dowladda oo ku dhex-taalla Xalane, sida uu shalay sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay in aysan wadan wax ajendi ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.
Waxaa kale oo uu kusii daray “uwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan”.
Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

