Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday shirkii ka socday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan mucaaradka siyaasadda dalka.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, shirka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii miiska saarnaa, isla markaana aysan jirin wax natiijo muuqata ah oo kasoo baxday wada-hadallada.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay weli ku adkeysaneyso mowqifkeedii hore, halka dhinaca mucaaradkuna uu soo bandhigay aragtiyo iyo dalabyo u gaar ah oo aan weli la isku fahmin.
Ilo-wareedyada aan la hadalnay ayaa sidoo kale tilmaamay in kulanka uusan dhalin horumar la taaban karo, marka laga reebo in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib la isugu soo laabto berri oo Jimce ah.
Kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaan wada-shaqeyneedka siyaasiyiinta dalka, iyadoo indhaha lagu hayo waxa kasoo baxa wada-hadallada xiga.
Si kastaba, wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan danjirayaasha Mareykanka iyo Ingiriiska oo qayb ka ah dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa ku cadaadinaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka inay heshiis gaaraan. Haddii taas la waayana, waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan in Soomaaliya gashay marxalad cusub oo halis badan leh, taas oo dib u dhigeysa horumarradii la sameeyay.
Wada-hadalladan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto Xalane, iyadoo beesha caalamku door weyn ku leedahay dadaallada lagu raadinayo xal kama dambeys ah oo laga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

