Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad-badeedda Soomaalida ayaa faa’iido dhaqaale ka helaya xiisadda dagaalka Iiraan, xilli maraakiibta ganacsiga ee ka fogaanaya marinnada colaadda ay qaadanayaan jid-wareeg dheer oo Afrika ah, taas oo keentay inay galaan aagagga ay burcad-badeeddu ka hawlgasho.
Colaadda sii xoogeysaneysa ee Bariga Dhexe ayaa xanibtay isku-socodkii badda ee marinka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo ay maraan ku dhowaad 20% saliidda, gaaska dabiiciga ah iyo alaabada ceeriin ee caalamka.
Si looga fogaado khatartaas, shirkadaha maraakiibta ayaa qasab ku noqotay inay ku wareegaan cirifka koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo safarkooda ku kordhisay toddobaadyo dheeraad ah, kuna qasabtay maraakiibta inay si toos ah u galaan badda weyn ee Soomaaliya, halkaas oo khatar burcad-badeednimo ay ka jirto.
Weecashadan ayaa lagu qiyaasay inay markabkiiba ku kacayso kharash dheeraad ah oo gaaraya $1 milyan, sababo la xiriira kororka shidaalka, caymiska iyo kharashyada hawlgalka. Laakiin waxay sidoo kale fursad u siisay burcad-badeedda inay dib u soo laba-kacleeyaan, taas oo khatar gelinaysa xasilloonidii dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka jirtay xeebaha Soomaaliya.
Iyaga oo ka faa’iideysanaya kororka maraakiibta, shabakadaha burcad-badeedda ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay fuliyay afduubyo is-xigxigay, taas oo muujinaysa dib-u-soo-noqosho weyn.
Afduubyada is-daba-jooga ah oo dhaliyay baqdin
Sida ku cad digniin ka soo baxday Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) 12-kii May, burcad-badeedda Soomaalida ayaa hadda gacanta ku haya ugu yaraan saddex markab: laba markab oo shidaal xambaara iyo hal markab oo sida xamuul shamiinto ah.
UKMTO, oo u digta shirkadaha maraakiibta marka ay jiraan khataro dhanka ammaanka badda ah, ayaa xaqiijisay in maraakiibtan la qafaashay intii u dhaxeysay 21-kii Abriil iyo 2-dii May, oo uu ku jiro markab laga afduubay xeebaha Yemen oo loo wareejiyay dhanka Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Yemen waxay wadaagaan xuduud badeed. Sidaa darteed, hay’addu waxay ka digtay in “heerka khatarta burcad-badeednimada uu weli aad u sarreeyo” xeebaha iyo badda weyn ee Soomaaliya, badahaas oo caan ku noqday sumcad-xumo caalami ah, kana mid ahaa goobihii ugu weynaa ee afduubka maraakiibta dhammaadkii sannadihii 2000-meeyadii.
Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo si buuxda u shaqeysa, taas oo u oggolaatay burcad-badeednimada inay ku sameystaan dhaqaale badan. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay markii shirkadaha maraakiibta ay bilaabeen inay bixiyaan lacago madax-furasho ah oo ka bilaabma kumannaan doolar, mararka qaarna gaara malaayiin doolar.
Xilligii ay ugu sarreysay sannadkii 2011, burcad-badeednimada Soomaalida waxay gaartay 237 dhacdo, waxayna dhaqaalaha caalamka ku kacday $7 bilyan. Sannadkaas gudihiisa, in ka badan 3,800 oo badmaax ayaa la kulmay weeraro loo adeegsaday qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaallada garbaha laga rido ee RPG-ga, taariikh xanuun badan oo khubaradu ka cabsi qabaan inay hadda dib u soo laaban karto.
Ciidanka badda ee Midowga Yurub ee hawlgalka Atalanta ayaa warbixin ay soo saareen bishii hore ku qiray kororka dhowaan ee burcad-badeednimada. Ciidanku wuxuu sheegay inay ku guuleysteen inay xoreeyaan markab siday calanka Iiraan oo joogay xeebaha Soomaaliya, ka dib markii ay ku qasbeen burcad-badeeddii afduubatay inay ka cararaan doonta.
Iyaga oo ku dhowaad 12 sano ilaalinayay aaggan, ciidanka badda ayaa ku boorriyay maraakiibta maraysa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana soo sheegaan wax kasta oo shaki leh.
Inkasta oo aan weli la aqoonsan dadka ka dambeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee maraakiibta, haddana afduubyadii hore ee maraakiibta waxaa badanaa ku lug lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeda bulshooyin sabool ah iyo kooxo hubaysan oo xiriir la leh shabakado argagixiso oo caalami ah.
Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa CNN u sheegay Jimcihii inay rumeysan yihiin in saddex kooxood oo burcad-badeed ah ay ka hawlgalaan waqooyiga Soomaaliya, isla markaana kooxahaas ay leeyihiin xubno dhulka jooga oo taageero siiya iyo xubno badda ka hawlgala.

