26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Geesigii weerarka Masaajidka San Diego oo qoyskiisa loo ururiyay 1.4 milyan dollar

Bookmark
Bookmarked

Share

San Diego (Caasimada Online) – In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, oo ahaa waardiyihii lagu dilay weerar Isniintii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa xaruntaas.

Amin Abdullah, oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah, ayaa ka mid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay Islamic Center of San Diego, oo ah mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn gobolka San Diego.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay carruur badan ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka. Wararku waxay sheegayaan in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay in gudaha xarunta la xiro, islamarkaana carruurta iyo shaqaalaha la geliyo xaalad badbaado, ka hor inta aan la dilin.

Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa Amin Abdullah ku tilmaamay geesi ficilladiisu ay badbaadiyeen nolosha dad badan.

“Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen kuwo geesinnimo leh,” ayuu yiri Wahl oo shir jaraa’id ka hadlayay. “Shaki la’aan, maanta wuxuu badbaadiyay nafo badan.”

Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay weerarka geysteen, ka hor inta aan meydadkooda laga helin gaari u dhow goobta, iyadoo la rumeysan yahay inay is dileen. Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa baaraya in weerarku ahaa fal naceyb ku saleysan, kaddib markii la helay qoraallo ka dhan ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta xarunta Islaamiga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ayaa sheegay in Amin Abdullah uu naftiisa u huray difaaca carruurta, macallimiinta iyo dadka cibaadada u joogay masaajidka.

Baraha bulshada Mareykanka ayaa si weyn loogu hadal hayaa geesinimada Abdullah, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen halyeey Muslim ah oo naftiisa ku waayey isagoo ilaalinaya dad aan is difaaci karin.

Lacag ururin online ah oo loo sameeyay qoyskiisa ayaa si degdeg ah u dhaaftay 1.7 milyan oo dollar, taasoo muujisay taageerada ballaaran ee bulshada Muslimiinta iyo shacabka Mareykanka ay u muujiyeen qoyskiisa.

Amin Abdullah ayaa ka tagay xaas iyo siddeed carruur ah. Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay nin deggan, naxariis badan oo si joogto ah ugu adeegayay dadka masaajidka yimaada.

Weerarka San Diego ayaa mar kale Mareykanka ka dhaliyay dood ku saabsan amniga goobaha cibaadada iyo khatarta sii kordheysa ee falalka naceybka ku saleysan, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Muslimiinta.

Mas’uuliyiinta gobolka California iyo magaalada San Diego ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo sheegay in goobaha cibaadada aysan marnaba noqon karin meel lagu beegsado dad aan waxba galabsan.

Laakiin bulshada Muslimiinta ee San Diego ayaa xilligan si gaar ah u xasuusaneysa Amin Abdullah, oo ay ku tilmaameen nin geesinimadiisu ka hortagtay masiibo intaas ka weyn.

- Advertisement -

Read more

Local News