Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa ku howlan inuu qaado tallaabo xasaasi ah oo sii kala fogeyn karta labada dhinac.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maanta kulan deg-deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, isaga oo kala hadli doono qorshihiisa, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeyo Villa Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Qoor Qoor uu damacsan yahay in uu ku dhawaaqo guddiga doorashada Galmudug, waana tallaabo sii adkeyneysa xiisadda labada dhinac ee haaran kasii dareyso.
Haddii uu arrintan uu sameeyo Axmed Qoor Qoor wuxuu marayaa waddadii uu qaaday Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo doorasho deg-deg ah ku qabsaday Baydhabo, inkastoo markii ay dagaalka uga adkaatay Villa Somalia.
Horay Muqdisho iyo Dhuusamareeb ayaa u qaaday tallaabooyin iska soo horjeedo, iyada oo inta badan isbeddel lagu sameeyay taliyeyaashii ka howlgalayay deegaannada Galmudug, iyada oo dhankaas Qoor Qoor looga adkaaday, maadaama ay hadda shaqeynayaan taliyeyaashii ay magacowday dowladda.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa salka ku hayo arrimaha doorashooyinka Galmudug, iyadoo ay isku fahmi waayeen Qoor Qoor iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeeyaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac oo si dardarleh ku socdo.

