26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Puntland oo ku dhawaaqday inay dhamaatay sharciyadii DF, kana dalbatay b/caalamka in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in maamulka Puntland uusan mar dambe aqoonsanayn dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-murtiyeedka oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Faarax Cali Xirsi ayaa lagu sheegay in Puntland ay Madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsatay “madaxweyne hore,” isla markaana Dowladda Federaalka ay lumisay sharciyaddii lagu soo doortay.

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu taageersan yahay, soona dhaweynayaa go’aankii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka soo saaray magaalada Muqdisho 15-kii May 2026, kaas oo lagu caddeeyey in uu dhammaaday muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga yeesho wadatashi qaran oo ballaaran si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Puntland waxay ugu baaqday waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay isugu yimaadaan shir qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo jihada dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Puntland ayaa digniin u dirtay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo ka dalbatay inaysan heshiisyo cusub la gelin Dowladda Federaalka ee hadda jirta, maadaama ay sheegtay inay lumisay sharciyaddii dastuuriga ahayd.

Dhanka kale, Puntland ayaa cambaareysay xarigga iyo burburin dhul oo ay sheegtay in Dowladda Federaalka ka waddo magaalada Muqdisho, iyadoo tallaabooyinkaasi ku sheegtay kuwo sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa meel adag maraysa, iyadoo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku howlan yihiin xal u helida muranka siyaasadeed ee ka dhashay mudo xileedka dowladda oo ku ekaa 15-ka May.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21-ka May 2026 shir ku yeeshay caasimadda Puntland ee Garowe. Shirka oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo baxay go’aanno masiiri ah oo lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, laguna caddeynayo mowqifka Dowladda Puntland ee ku aaddan sharciyadda hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, asaga oo ka duulaya qodobka 91-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddeynayaa in muddo-xileedkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu dhammaaday 15-kii May 2026.

Sidaas darteed, Dowladda Puntland waxay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan tahay madaxweyne hore, uusan hayn sharciyad uu ugu sii adeegsado awoodda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu sidoo kale caddeynayaa in, si waafaqsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah qodobkiisa 60-aad, muddo-xileedkii Golaha Baarlamaanka uu dhammaaday 14-kii April 2026, sida darteedna ay dhammaatay sharciyaddii jiritaanka Golaha Baarlamaanka Labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu taageersan yahay, soona dhaweynayaa go’aankii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka soo saaray magaalada Muqdisho 15-kii May 2026, kaas oo lagu caddeeyey in uu dhammaaday muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu ka soo horjeedaa jajuubka iyo afduubka lagu hayo xayndaabka doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyadoo la hareer-marayo ku dhaqanka dastuuradooda.

Sidoo kale, guddiga farsamada ku jira hannaanka doorashada DXDF ah ma aha mid haysa sharciyad waafaqsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay (2012), awood sharcina uma laha hirgelinta doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu u caddeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka ay galeen marxalad kala-guur ah (transitional period), ayna dhammaatay sharciyaddii ay ku metelayeen ummadda Soomaaliyeed.

Sida darteed, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo ay quseyso inay wada-shaqeyn xaddidan la yeeshaan hay’adaha Dowladda Federaalka ah inta ay ka dhacayaan doorashada Golaha iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo heshiis lagu yahay.

Si gaar ah, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Puntland illaa inta laga helayo hay’ado Dowladda Federaalka ah oo haysta sharciyad heshiis lagu yahay.

Golaha Xukuumadda Puntland wuxuu cambaareynayaa cagajuglaynta, xarigga iyo barakicinta uu Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Haddaba, Dowladda Puntland waxay waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay ka qayb qaataan dadaallada lagu ilaalinayo dowladnimada curdanka ah oo waqti iyo dadaal badan la soo galiyey si dib loogu dhisilo.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu uga mahadcelinayaa saaxiibada beesha caalamka dadaallada aan kala go’a lahayn ee ay ku bixiyaan xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu dadweynaha Puntland ee ku nool gudaha iyo dibadda ugu baaqayaa inay gacmaha isqabsadaan xilligan adag ee ay meesha ka baxday sharciyaddii hay’adaha Dowladda Federaalka.

—Dhammaad—

- Advertisement -

Read more

Local News