26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Netanyahu oo qiray in Trump uu ka baxay gacanta Israel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel aviv (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si hoose ugu sheegay dad uu ku kalsoon yahay in Israel aysan hadda awood badan u lahayn inay saameyn ku yeelato go’aannada Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan Iran, xilli Washington ay waddo wada-hadallo lagu joojinayo dagaal ku dhowaad saddex bilood ka socda gobolka.

Laba sarkaal oo Israeli ah oo xog ogaal u ah wada-hadallada gaarka ah ee Netanyahu ayaa Reuters u sheegay in hoggaamiyaha Israel uu walaac ka muujiyey heshiis hordhac ah oo ay Mareykanka iyo Iran ka wada hadlayaan, kaas oo Israel si weyn looga reebay.

Heshiiskaas ayaa lagu doonayaa in Iran ay dib u furto Marinka Hormuz, halka Mareykanku uu ka qaadayo xannibaad badeed uu saaray, ka hor inta aan loo gudbin wada-hadallo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.

Marinka Hormuz ayaa ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida, waxaana ka hor dagaalka mari jiray qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dareeraha ah ee caalamka loo dhoofiyo.

Walaaca Israel

Netanyahu ayaa si gaar ah uga walaacsan in heshiiska hordhaca ah uusan si degdeg ah uga jawaabeynin cabashooyinka Israel ee la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran, kaydka uranium-ka la hodmiyey, gantaallada Tehran iyo taageerada ay siiso kooxaha hubeysan ee gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha Israel ayaa sheegay in Netanyahu uu qiray in Israel “aysan hadda lahayn meel ay uga dhaqaaqdo” si ay u saameyso madaxweynaha Mareykanka.

Xafiiska Netanyahu kama uusan jawaabin codsi faallo ah.

Trump iyo Netanyahu ayaa ugu yaraan saddex jeer taleefan ku wada hadlay toddobaadkii la soo dhaafay. Waqtigaas, saraakiil Israeli ah ayaa sheegay in Israel ay diyaargarow u sameysay suurta-galnimada inay dib ugu laabato duqeymo cirka ah oo ay Mareykanka kula beegsato Iran, gaar ahaan kaabayaasha tamarta.

Kadib wada-hadalkii ugu horreeyey ee labadooda dhex maray Talaadadii, Trump ayaa saxafiyiintu weydiiyeen waxa uu u sheegay Netanyahu.

“Waa nin aad u wanaagsan, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo aan ka doonayo,” ayuu Trump yiri.

Hadalkaas ayaa si weyn u muujiyey farqiga hadda ka dhex muuqda labada hoggaamiye, iyadoo Netanyahu uu wajahayo cadaadis gudaha ah, halka Trump uu mudnaanta siinayo heshiis lagu dejinayo xiisadda Hormuz iyo dagaalka Iran.

Heshiis qabyo ah

Mareykanka iyo Iran ayaa hoos u dhigay rajada laga qabo in heshiis degdeg ah la gaaro, inkastoo ay jiraan horumarro laga sheegay wada-hadallada. Labada dhinac ayaa weli isku haya arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran, cunaqabateynta saaran Tehran iyo doorka Israel ee dagaalka ka socda Lubnaan.

Wada-hadallada Mareykanka iyo Iran ayaa si dadban u socda, waxaana dhexdhexaadinaya Pakistan.

Ilo Iranian ah ayaa sheegay in marxaladaha xiga laga heli karo “qaabab macquul ah” oo lagu xalliyo muranka ku saabsan kaydka uranium-ka aadka loo hodmiyey, oo ay ka mid noqon karto in la khafiifiyo iyadoo ay kormeerayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerka.

Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in Israel ay sii haysato xaqa ay ku fulin karto howlgallo ka dhan ah waxa ay u aragto halis amni oo ka imanaysa dhinac kasta, oo ay ku jirto Lubnaan.

Israel iyo Xisbullah ayaa dagaal sii waday inkastoo xabbad-joojin la gaaray 16-kii April, kadib markii Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin ballaaran. Ciidamada Israel ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, halka militariga Israel uu sii waday duqeymo uu ku sheegay inuu ku beegsanayo Xisbullah.

Cadaadis siyaasadeed

Wada-hadallada Iran ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo Netanyahu uu wajahayo doorasho qaran oo la saadaalinayo inuu lumin karo. Mucaaradka Israel ayaa ku eedeynaya inuu ku guuldarreystay inuu gaaro ujeeddooyinkii uu dagaalka u dejiyey.

Markii Mareykanka iyo Israel ay weerarrada ku qaadeen Iran 28-kii February, Netanyahu wuxuu sheegay in ujeeddada Israel ay ahayd in la abuuro xaalad lagu ridi karo dowladda culimada ee Iran, laguna burburin karo awooddeeda nukliyeerka, gantaallada iyo saameynta ay ku leedahay gobolka.

Laakiin hadafyada Washington iyo Tel Aviv ayaa tan iyo markaas kala fogaaday. Mareykanka ayaa diiradda saaraya dib u furista Marinka Hormuz iyo dejinta saameynta dagaalka ku yeeshay tamarta caalamka, halka Israel ay rabto in Iran laga qaado awooddeeda nukliyeerka iyo midda militari ee gobolka.

Netanyahu ayaa wareysi uu bishan siiyey telefishinka CBS ku sheegay in weli “shaqo harsan tahay”, isaga oo ku adkeystay in uranium-ka laga saaro Iran, Tehran-na ay joojiso taageerada kooxaha ay xulafada yihiin iyo soo saarista gantaallada ballistic-ga.

“Waxaa jira shaqo la qabanayo,” ayuu yiri Netanyahu.

- Advertisement -

Read more

Local News