28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Maxay yihiin shaqsiyaadka la socda bannaanbaxayaasha mucaaradka ee DF xirayso?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo lagu soo qabanayo rag hubeysan oo la socda dibadbaxayaasha mucaaradka dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay handadaad u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, isla markaana la hayo xogtooda oo dhameystiran. Waxa uu xusay in boolisku hayo sawirrada, magacyada iyo macluumaad kale oo suurtagelin kara in si degdeg ah loo soo qabto.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in dadka hubeysan iyo cid kasta oo gacan siisa ay la kulmi doonaan tallaabooyin sharciyeed, isaga oo shacabka uga digay inay ku lug yeeshaan falal lid ku ah amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha ammaanku ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira dibadbaxyada.

“Maleeshiyaadka iyo dadka la jooga guryahooda waxa aan leenahay waa la idinla xisaabtamayaa. Magacyadiinna, sawirradiinna iyo xogtiinna waa la hayaa, qof walbana NIRA ayuu leeyahay, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan wax kasta oo qalqal gelin kara amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan abaabullada la xiriira bannaanbaxyada mucaaradka. Waxa uu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay heegan buuxa ku jiraan si looga hortago falal amni darro abuuri kara.

Dhanka kale, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo ku kala labisan dareyska booliska iyo ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo dhex joogay dad watay boorar ay ku muujinayeen cabashooyin iyo dibadbaxyo siyaasadeed. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan oo ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee caasimadda.

Hadallada kasoo baxay Taliye Macallin Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan abaabullo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kala wadaan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddaasi saameyn ku yeelato amniga caasimadda.

- Advertisement -

Read more

Local News