Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa farriin soo saaray ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda wayn ee Ciidul-Adxa isaga oo Alle ka baryay inuu naga aqbalo acmaasha wanagasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay isku tanaasul iyo in la garab istaaggo dadka danta yar, si ay qayb uga noqdaan farxadda munaasabadda Ciida.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul. Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida oo uu ku amaanay doorka ay ka qaateen sugidda amniga dalka, maadaama ay naftooda u hureen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka. Waxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkeenna iyo dadkeenana ku manneysto nabad iyo kheyr”.
Ciida ayaa sanadkan kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay dalka ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo si gaar u saameysay dadka nugul iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan caasimada iyo gobollada dalka.
Waxaa kale oo taagan xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, maadaama dowladda iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

