26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

DF oo shaacisay xilliga la filayo natiijada shidaal qodista

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka, lana falanqeeyay xogtii laga helay.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho, si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo loo arko mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ay u qaaday dhinaca sahminta shidaalka badda.

“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in xogtii laga soo ururiyay sahanka dhul-badeedka la dhammeystiray, lana fasiray, isla markaana hadda si rasmi ah loo bilaabay qodista ceelkii ugu horreeyay.

Ceelka la qodayo ayaa la filayaa inuu gaaro qoto dhan 7,500 mitir, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah howlaha qodista badda ee ugu qotada dheer caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in natiijooyin muuqda la helo dhammaadka sanadkan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu saadaaliyo baaxadda kaydka shidaal ama gaas ee laga yaabo in laga helo.

“Waxaan aad ugu rajo weyn nahay inaan helno natiijo wanaagsan dhammaadka sanadkan,” ayuu yiri.

Daahir Shire ayaa sheegay in haddii la helo shidaal ama gaas ganacsi ahaan loo soo saari karo, ay arrintaasi door weyn ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska labada dal uusan ku koobnayn oo keliya sahminta iyo qodista, balse uu sidoo kale muhiimad siinayo tababarka, farsamo-barashada iyo dhisidda khibradda Soomaalida.

“Sida ku cad heshiiska is-afgaradka, khibradda gudaha waa in lagu tababaraa shaqada dhexdeeda,” ayuu yiri wasiirku. “Ugu dambeyn, Soomaalida waa inay awood u yeeshaan inay qabtaan shaqada ay hadda qabanayaan khubarada shisheeye.”

Wasiirka ayaa Turkiga ku tilmaamay “dal walaal ah” oo Soomaaliya garab istaagay xilligii abaartii iyo musiibadii bani’aadannimo ee 2011, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uu tan iyo markaas si joogto ah u kobcayay.

“Turkiga wuxuu Soomaaliya yimid xilli dalku si weyn ugu baahnaa gargaar,” ayuu yiri. “Tan iyo markaasna Turkiga Soomaaliya kama tegin.”

Xiriirka Muqdisho iyo Ankara ayaa sanadihii dambe ka gudbay gar-gaar bani’aadannimo, wuxuuna gaaray difaaca, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo hadda tamarta iyo macdanta.

Mashruuca qodista shidaalka ee Turkiga ayaa yimid kadib markii markabka sahanka seismic-ka ee Oruç Reis uu xog ka soo ururiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya, taas oo horseedday in la doorto goobta ceelka Curad-1.

Howsha qodista oo uu fulinayo markabka Çağrı Bey ayaa la filayaa inay socoto lix ilaa sagaal bilood, iyadoo muddadaas ay saameyn ku yeelan karaan cimilada iyo xaaladaha badda.

Mashruucan ayaa Soomaaliya u ah tijaabo weyn oo ku saabsan awooddeeda shidaal iyo gaas, halka Turkigana uu u yahay howl-galkiisii ugu horreeyay ee qodis badeed qoto dheer ah oo uu ka sameeyo meel ka baxsan biyihiisa.

Labada dal ayaa rajeynaya in iskaashigan uu Soomaaliya u furo albaab dhaqaale oo cusub, isla markaana uu Turkiga ka caawiyo ballaarinta doorkiisa tamareed ee Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News