30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hanjabaadda Saadaq Joon

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hanjabaad kasoo yeertay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo xalay soo saaray digniin siyaasadeed oo culus.

Saadaq Joon oo sidoo kale ah sarkaal xilal kala duwan soo qabtay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu yiri Saadaq Joon.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirro iyo xildhibaanno ku xiran Villa Somalia oo ka falceliyay hanjabaadda Saadaq Joon

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa ku jawaabay: Saadaq Joon waxaan leeyahay Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay duq Xasan ayaa lahaa Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garabyihiin!.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa isna yiri: Saadaq Joonow tanu tii maahan xisaabta ku darso.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbeddeka cimilada Xuseen Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay: Gen saadaq Waxaan rabaa inaan usheego wardhigley iyo galmudug waa soomali labo wadan makala ah duq xasan ayaa Madaxweyne u ah taladiisa ayaa ka socondoonto”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Si kastaba, ha’ahaatee qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Axmed Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News