Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan sheegay in Checkpoint-yada Muqdisho lagu qaado lacago baad ah.
Shariif ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha xukuma baraha koontarool ay lacago qaadaan, kadibna loo geeyo madaxda sare ee dalka.
“Dadka xukuma Checkpoint-yada bal wareysta dhaqaalaha ay ka sameeyaan madaxda dhaqaale ayaa loo geeyaa iyaguna dhaqaale ayay ka sameeyaan,” ayuu yiri Shariif oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo baraha koontarool.
Intaas kadib waxaa jawaab bixiya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay in isbaariistayaal lagu tilmaamo ciidamada sugayo amniga, isla markaana naftooda u huraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waa nasiib darro in ciidamada amniga sugaya la yiraahdo isbaaro ayay dhigtaan waxayna qaataan lacago askarteenna ma qabato dowladda Soomaaliyeed ma qabato,” ayu uku jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale, wuxuu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwan ee uu soo maray amniga caasimada, maadaama maanta lagu guuleystay in la xasiliyo.
“Muqdisho waxaad ogeedeen in habeen aan la socon karin Muqdisho oo dhiigu daadanayo oo qaraxu meel kasta ka dhacayo Muqdisho wada tacsi ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaruhu.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la’isku hallayn karo amniga Muqdisho, isaga oo amaanay dhammaan ciidamada Qalabka Sida.
“Maanta Muqdisho waa nabad daraf kasta caawa waa nabad waxaa nabaddan innooga baxay boqolaal dhalinyaro oo shahiida iyaga oo amniga ilaalinaya sharafna raadinaya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xamza Cabdi Barre.

