Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada maamulka Galmudug.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in kulamo dhowr ah oo u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin khilaafka taagan. Labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo kale oo arrintan looga hadlayo.
Mahad ayaa doonaya in doorashada Galmudug ay noqoto mid furan oo qolo kasta ay qaadato calafkeeda. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale isna caddeeyay inuu keliya aqbalayo doorasho hufan.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu warramayaa inuu taageersan yahay mowqifka Mahad Salaad, isla markaana aanu ku qanacsaneyn qorshaha la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taageerayo Liibaan Shuluq si uu ugu soo baxo madaxtinimada Galmudug.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaafkan cusub uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo abaabulo la xiriira doorashada maamulkaasi.
Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa iyaguna walaac ka muujiyay suurta-galnimada in Dhuusamareeb ay ka dhacaan xiisado la mid ah kuwii hore uga dhacay Baydhabo, kuwaas oo saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku yeeshay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad, xilli ay isa soo tarayaan hadal-heynta ku saabsan loolanka siyaasadeed ee Galmudug.

