Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ciidamada Israa’iil faray inay la wareegaan boqolkiiba 70% dhulka Marinka Gaza.
Wareysi uu ku bixiyay shir ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay “sii adkeyneyso” go’doominta ay ku hayso ururka Xamaas.
“Waxaan hadda gacanta ku haynaa 60% dhulka Marinka Gaza. Waxaan ka nimid 50%, waxaana u gudubnay 60%,” ayuu yiri.
“Amarkeygu waa inaan u gudubno — oo aan tallaabo tallaabo u qaadno — marka hore 70%. Aan halkaas ka bilowno,” ayuu sii raaciyay. Xilli uu Netanyahu hadlayay, ayaa dadkii dhegeysanayay waxay ugu baaqayeen inuu la wareego guud ahaan dhulka Gaza.
Dabayaaqadii bishii Abriil, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa soo saaray khariidado loo qaybiyay hay’adaha gargaarka caalamiga ah, kuwaas oo muujinayay in ciidamadu ay durba gacanta ku hayaan qiyaastii 64% dhulka Marinka Gaza.
Qabsashada dhul horleh oo ka tirsan Gaza ayaa ku qasbi doonta qiyaastii 2 milyan oo Falastiiniyiin ah inay ku ururaan qayb aad u yar oo ciriiri ah oo ka tirsan dhul-xeebeedkaas horay u burburay.
Sida uu dhigayo heshiiskii xabad-joojinta ee Oktoobar 2025 dhex maray Israa’iil iyo Xamaas, ciidamada Israa’iil ayaa dib ugu gurtay xariiqda kala xadeynta ee loo yaqaan “Xariiqda Jaallaha ah” (Yellow Line), taas oo u reebtay inay gacanta ku hayaan ilaa 53% dhulka Gaza.
Maalintii Talaadada, ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dhaqaajisay xariiqdaas, iyagoo sheegay in arrintaasi “ay tahay wiiqid cad oo joogto ah oo lagu hayo heshiiskii xabad-joojinta, xad-gudub halis ah oo ka dhan ah qodobadiisa, iyo isku day qaawan oo lagu doonayo in xoog lagu soo rogo xaqiiqooyin cusub oo dhulka ah, iyadoo ujeedadu tahay in la sii xoojiyo gacan ku haynta milatari ee marinka iyo in la wiiqo fursad kasta oo dhab ah oo lagu xasilin karo xaaladda ama lagu guuleysan karo dadaallada nabadeed.”
Israa’iil iyo Xamaas ayaa labadaba looga fadhiyaa inay u hoggaansamaan shuruudaha heshiiska xabad-joojinta ee uu Mareykanku garwadeenka ka yahay, kaas oo dhaqan galay bishii Oktoobar.
Si kastaba ha ahaatee, horumarka qorshahan oo uu si weyn u dhiirrigeliyay Madaxweyne Donald Trump ayaa istaagay, taas oo keeni karta halis ah in dhulka Gaza uu noqdo mid si joogto ah u kala qaybsama.
Nickolay Mladenov, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Bulgaariya isla markaana ah sarkaalka u xilsaaran fulinta heshiiska, ayaa horraantii bishan ka digay in haddii aan horumar la sameynin, xariiqda jaallaha ah ay isu beddeli karto “deyr ama derbi si joogto ah u kala qaybiya Gaza.”
Mladenov ayaa sidoo kale qiray xaaladda adag ee ka jirta Gaza, isaga oo sheegay in “wali la dilayo dad rayid ah” isla markaana “qoysasku ay cabsi ku dhex nool yihiin,” iyagoo ka baqaya duqeymaha cirka ee Israa’iil.
Israa’iil ayaa marar badan duqeymo ka fulisay Gaza tan iyo markii xabad-joojintu bilaabatay, iyadoo Xamaas ku eedeysay inay jabisay heshiiska maadaama ay dib u hubeyneyso isla markaana ay dib u dhisayso ciidamadeeda.
Duqeymahaas ayaa lagu dilay in ka badan 850 qof oo ku sugnaa Gaza tan iyo markii ay xabad-joojintu dhaqan gashay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.
Horraantii bishan, Israa’iil ayaa dishay Cisadiin Al-Xaddaad (Izz al-Din al-Haddad), oo ahaa hoggaamiyaha garabka milatari ee Xamaas. Kow iyo toban maalmood kadib, Israa’iil ayaa duqeyn kale ku dishay sarkaalkii xilka kala wareegay.
“Waxaan ku dhaarannay inaan baabi’in doono qof kasta oo hoggaamiyay weerarkii Oktoobar 7-deedii, waana taas waxa la sameyn doono. Dhammaantood waxay wajahayaan xukun dil ah meel kasta oo ay joogaan,” ayuu Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ku qoray baraha bulshada maalintii Khamiista.
Dhanka kale, ururka Xamaas ayaa sidoo kale diiday in hubka laga dhigo ama ay wareejiyaan hubkooda, ayuu yiri Mladenov, taas oo ah qodob udub dhexaad u ah qorshaha xabad-joojinta, isla markaana si weyn ugu xiran mustaqbalka Gaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa la filayaa inay si tartiib tartiib ah uga baxaan dhulka ay qabsadeen ee Gaza marka Xamaas hubka dhigto, isla markaana ciidamo amni oo caalami ah ay sugaan ammaanka qaybo ka mid ah marinka.
Inkasta oo waddamo qaar ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan ciidamada ammaanka, haddana ma jiro jadwal cad oo lagu daadgureynayo ciidamadaas.
Maaddaama uusan jirin wax horumar ah oo laga gaaray heshiiskii xabad-joojinta, Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah u qabsatay qaybo badan oo ka mid ah Gaza, iyadoo sii xoojinaysa gacan ku haynteeda dhulkan burburay.

