Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, muddo saddex cisho ah wax shaqo ah kama socon xarunta Hay’adda Dambi-baarista, gaar ahaan qaybta bixinta waraaqaha dambi-la’aanta, kadib markii saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adda ay dalka dibaddiisa uga baxsadeen eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin.
Saddexda sarkaal, oo markii baaristu ku bilaabatay u kala baxsaday dalalka Kenya, Masar iyo Ingiriiska, waxaa ka mid ah taliyihii waaxda fara-dhigista oo asal ahaan ahaa reer London, isla markaana aan horay wax shaqo boolis ah u soo marin.
Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa muddooyinkii dambe waday dabagalka saraakiisha baxsatay. Waxaa gebi ahaanba la joojiyay shaqadii loo qaban jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonayay waraaqaha dambi-la’aanta, kuwaas oo lagu qaato baasaboorka ama lagu dalbado fiisooyinka.
Bilihii u dambeeyay waxaa muran dhinaca maamulka dhaqaalaha ka dhashay uu ka dhex taagnaa taliyaha CID, Ibraahim Aadan Dhaayow, iyo sarkaalkii baxsaday ee maamulayay qaybta fara-dhigista. Murankaas ayaa salka ku hayay cidda si toos ah u maamuleysa dakhliga ka soo xarooda waraaqaha dambi-la’aanta.
Taliyaha Booliska, Jen. Asad Cismaan Diyaano, ayaa markii dambe ku soo baxay khilaafka, maadaama sarkaalkan baxsaday ee lagu magacaabo Mahad uu la dhashay gabadha uu qabo Asad Diyaano. Ilo wareedyo ayaa sheegay in murankaas iyo khilaafka maaliyadeed si hoose loo xaliyay.
Lacagta warqadda dambi-la’aanta, oo markii hore ahayd 10 dollar, ayaa muddooyinkii dambe lagu kordhiyay 5 dollar oo lagu sheegay lacagta sawir-qaadista iyo 3 dollar oo lagu tilmaamay fududeyn. Lacagtan dheeraadka ah ee 8-da dollar ah, oo aan sharci ahaan caddeyn, ayaa dadku ku diraan koonto EVC ah oo gaar loo leeyahay.
Tan iyo markii isbeddel lagu sameeyay taliska hoggaanka dambi-baarista bishii Janaayo, waxaa la sheegay inuu xarunta CID ka dhashay jahwareer iyo nidaam-darro. Shaqooyinkii muhiimka ahaa ayaa noqday kuwo gaabis galay ama aan si habsami leh u socon. Qaar ka mid ah saraakiisha iyo shaqaalaha ayaa muujiyay walaac ku saabsan hoos u dhaca ku yimid dardar-gelinta howlaha, taas oo loo aaneynayo muranno ka dhashay qaabka ay saraakiisha qaarkood u maamulaan arrimaha maaliyadeed.
Waxaa Soomaaliya dhaqan ka noqday in mas’uul kasta oo loo igmado maamulka hay’ad dowladeed uu shaqaaleysiiyo ehelkiisa iyo xigtadiisa, taas oo hoos u dhigta hufnaanta shaqada dowladda. Arrintan ayaa sidoo kale muujineysa maqnaanshaha awood dhab ah oo lagula xisaabtamo mas’uuliyiinta iyo daciifnimada hay’adaha garsoorka iyo isla-xisaabtanka.

