28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Shariif oo weeraray Xasan Sheekh: Waxaa u haray inuu dhiig daadiyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in muddadii dastuuriga ahayd ee loo doortay ay dhammaatay, isla markaana aysan caddayn sababta uu weli u doonayo inuu usii joogo hoggaanka dalka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay kulan siyaasadeed oo uu ka qeyb-galay ayaa sheegay in Xasan Sheekh laba jeer loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidaas darteedna ay habboon tahay in la qabto doorashada, uuna xilka si nabad ah ugu wareejiyo cidda ku xigta.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in nidaamka dimuqraadiyadda iyo kala dambeynta siyaasadeed ay ku dhisan yihiin in hoggaamiyeyaashu ixtiraamaan muddada loo igmaday, kana fogaadaan tallaabooyin abuuri kara muran siyaasadeed iyo qalalaase.

“Labo jeer ayaa la doortay, waa u dhammaatay, maxaa u dhiman oo uu raadinayaa? Anigu ma garanayo waxa uu raadinayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale, wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay cadaadis siyaasadeed, isaga oo sheegay in la xirayo dhalinyarada, la caburinayo siyaasiyiinta mucaaradka ah, isla markaana ay jiraan dad rayid ah oo la kulmaya barakac iyo dhibaatooyin kale.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amniga iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in xoogga la saaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, halkii laga abuuri lahaa xiisado siyaasadeed oo gudaha ah.

“Madaxweynaha waxaa u dhiman inuu dhiig daadiyo. Wiilasha askarta ah dagaal ayay u fakfakanayaan, yaa lala dagaallamayaa? Miyaa la iska dhaafay dagaalkii Al-Shabaab?” ayuu yiri, isaga oo si kulul u dhaliilay siyaasadda dowladda.

Waxa uu intaas ku daray in waqtiga hoggaanka Xasan Sheekh uu soo idlaaday, isla markaana uu aaminsan yahay in tallaabo kasta oo ka baxsan geeddi-socodka siyaasadeed ee lagu heshiiyey ay sii adkayn karto xaaladda dalka.

Ugu dambayn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in rajada Soomaaliya ay ku jirto gacanta dhalinyarada, isaga oo ku booriyay inay door muuqda ka qaataan mustaqbalka dalka.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda hadalka, xuquuqda muwaadiniinta iyo abuurista jawi siyaasadeed oo furan oo ay ku tartami karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.

- Advertisement -

Read more

Local News