Hargeysa (Caasimada Online) — Israel ayaa ciidamo gaar ah geysay Somaliland intii uu socday dagaalkii ay la gashay Iran, sida ay sheegtay warbixin ay Jimcihii daabacday CNN, taas oo Somaliland ku dartay goobo dhowr ah oo lagu sheegay shabakad qarsoodi ah oo Israel ay ka sameysay gobolka.
Warbixinta, oo CNN ay sheegtay inay ku saleysay afar ilo oo xog ogaal ah, ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Mossad iyo cutubyo sare oo ka tirsan milatariga Israel sidoo kale loo diray Azerbaijan, Imaaraadka Carabta iyo Iraq.
CNN waxay sheegtay in Israel ay lahayd goobo qarsoodi ah iyo saldhigyo hawlgal oo taageerayay uruurinta xogaha sirdoonka, hawlgallo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo dhaqdhaqaaqyo kale intii uu socday dagaalka Iran.
Warbixinta ayaa sheegtay in qaar ka mid ah goobahaas lagu sameeyay oggolaanshaha mas’uuliyiinta dalalka martigeliyay, halka qaar kale ay suuragal tahay in lagu shaqeynayay iyada oo aanay ogayn. Warbixintu ma sheegin in maamulka Somaliland uu ogaa goobaha Israel lagu eedeeyay inay halkaas ka lahayd.
Maamulka Somaliland si degdeg ah ugama jawaabin warbixinta CNN.
Somaliland ayaa hore u beenisay eedeymo sheegayay in heshiiska aqoonsiga Israel uu ku jiray oggolaansho la xiriira saldhigyo milatari ama dejinta Falastiiniyiin laga soo raro Gaza.
“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u beenineysaa sheegashooyinka beenta ah ee uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan dejinta Falastiiniyiin iyo dhismaha saldhigyo milatari oo Israel ku yeelato Somaliland,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku sheegtay bayaan ay soo saartay bishii Janaayo.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xiriirka Hargeysa iyo Israel uu yahay “mid diblomaasiyadeed oo keliya” isla markaana lagu wado “ixtiraam buuxa oo waafaqsan sharciga caalamiga ah”.
Somaliland waxay ku taalla meel u dhow Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, oo ah marin badeedka isku xira Badda Cas iyo Badda Carabta.
Marinkaas ayaa muhiim u ah ganacsiga isaga kala goosha Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Tan iyo bilowgii dagaalka Gaza, kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto ayaa weerarro isdaba joog ah ka geysatay Badda Cas iyo agagaarka marin-badeedkaas.
Shabakad gobolka ah
Warbixinta CNN ayaa sheegtay in Israel ay hawlgallo ka fulisay koonfurta Azerbaijan, meel u dhow xadka Iran, una jirta magaalada Tabriz qiyaastii 100 kiilomitir halka ugu dhow.
Xubnaha halkaas loo diray ayaa la sheegay inay fuliyeen hawlgallo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo hawlo sirdoon.
Hal hawlgal oo laga bilaabay gudaha Azerbaijan ayaa lagu dilay Rahman Moghaddam, oo ahaa madaxa qeybta hawlgallada sirdoonka gaarka ah ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, sida ay CNN sheegtay iyadoo soo xiganeysa hal ilo.
Maalintii xigtay, diyaarado aan duuliye lahayn ayaa duqeeyay garoonka caalamiga ah ee Nakhchivan iyo tuulo u dhow. Baku waxay weerarkaas ku eedeysay Iran, balse Tehran way beenisay.
Safaaradda Azerbaijan ee Washington ayaa diidday warbixinta CNN, iyadoo sheegtay inay iska fogeyneyso “sheegashooyin aan sal lahayn” oo tilmaamaya in dhulka Azerbaijan loo adeegsaday hawlgallo ka dhan ah dal saddexaad.
Israel waxay xiriir istiraatiiji ah la leedahay Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada tamarta, difaaca iyo amniga internetka. Waxay sidoo kale xiriir amni iyo dhaqaale la leedahay Imaaraadka Carabta, oo xiriir rasmi ah la yeeshay Israel sanadkii 2020, kadib heshiisyadii Abraham Accords.
Warbixinta CNN ayaa timid kadib warbixino ay hore u daabaceen Wall Street Journal iyo New York Times, kuwaas oo sheegayay in Israel ay xarumo qarsoodi ah ka sameysatay Iraq intii uu socday dagaalka Iran.
Axios iyo Financial Times ayaa sidoo kale hore u sheegay in Israel ay ciidamo, nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome iyo qalab kale oo difaac ka geysay Imaaraadka Carabta.
Israel si rasmi ah uma xaqiijin in ciidamo iyo saldhigyo noocaas ah ay geysay meelaha ay sheegtay warbixinta CNN.

