28 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

War ka cusub doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xaruta gobolka Baay waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi, taas oo si weyn loogu loolamayo.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo mashquul xooggan oo ku aadan doorashada laga dareemayo Baydhaba.

Kadib diiwaan-gelinta siyaasiyiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha waxaa gudddiga uu shaacin doonaa liiska musharrixiinta, iyada oo la filayo in 8 bishaan la qabto hal-jeedinta, kadibna 10-ka bisha lasoo doorto Madaxweyne cusub.

Tartanka socda waxaa illaa iyo hadda ugu cad cad guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hora usoo noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaas oo qaatay shahaadada musharraxnimada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo bartamaha iyo hareeraha magaalada Baydhaba oo horay ugu dagaalameen ciidanka dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen.

Maalin kahor ayaa lasoo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, halka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad loo doortay Aadan Xasan Usaama. Sidoo kale, Shamso Maxamed Yarow ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka.

Doorashadan ayaa timid kadib markii la soo dhisay Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo ku yimid hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. Hannaankan ayaa ahaa mid ay si weyn uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Si kastaba, Doorashadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka, iyadoo lagu soo xulay hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada.

- Advertisement -

Read more

Local News